4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2019
Baarlamaanka Puntland oo qorshe u dejiyay ansixinta wasiirrada la soo magacaabayo

Isniin., Janaayo, 21, 2019 (HOL) -  Baarlamaanka Puntland ayaa lagu wadaa hannaan cusub inuu ku ansixiyo wasiirrada uu soo magacaabayo, madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni,sida laga soo xigtay qaar ka mid ah xildhibaannada.

Qorshaha waxa uu yahay in si kali-kali ah codka kalsoonnida loogu qaado wasiirrada cusub ee la soo magacaabayo, arrintan oo Baarlamaanka uu ka doonayo inay xukuumadda cusub noqoto mid tayo leh oo shaqo hufan qabata,sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Dhoore oo ka mid ah Baarlamaanka.

Xidlhibaan Dhoore, ayaa diidday in xildhibaanno ka soo horjeedda dowladda ay gadaal ka riixayaan qorshahan, balse wuxuu yiri " Xubno ka tirsan golaha ayaa soo jeediyay anaguna waan ku raacnay".

Waxa kalo uu gaashanka ku dhuftay warar sheegaya in laaluush ku qaadanayaan ansixinta wasiirrada cusub,isagoo la hadlay VOA-da ayuu kalsooni ka muujiyay xukuumadda inay noqoto kuwa u adeegga danaha umadda Puntland.

Docda kale, waxa uu sheegay madaxweynaha cusub in la caleema-saarayo 26-da bishan Jannaayo ee sannadka 2019ka.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu u heysta dastuuriyan 21 cisho oo la billaabaneysa markii la doortay siddeeda bisha Jannaayo ayaa heli kara muddo kordhin, taaso oo u ka dalban karo golaha wakiiladda,kuwaas oo codsiga oggaalan kara ama diiddi kara.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]