4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2019
Mawaadin u dhashay dalka Britain oo ku xiran xaruunta CIDda ee magaalada Muqdisho

Isniin., Janaayo, 21, 2019 (HOL) - Nin u dhashay dalka Britain oo horayna ula shaqeyn jiray sharikadda SKA ee ka howl-gasha garoonka Aadan Cadde ayaa ku xiran xaruunta CID ee magaalada Muqdishu sida uu u xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan maamulka garoonka.

Xarigaan ayaa ka dambeeyey ka dib markii boorsadiisii laga helay bombka loo isticmaalo ka hortagga bannaanbaxyada oo dadka ka ilmeeysiisa.

Muwaadinkaan u dhashay dalka Britain ayaa wuxuu safar u ahaa magaalada Addis Ababa, wuxuuna watay tiketkii sharikadda Ethiopian Airlines.

Sabab la xiriirta xariga ninkaan ayeey u baaqatay sharikadda Ethiopian Airlines labadii maalmood ee la soo dhaafay, ayada oo jawaab ka sugeeysay baaritaanka xariga ninkaas.

Safaaradda dalka Britain ee Soomaaliya ayaa booqatay muwadinkaas si aay u kaalmeeyaan una ogaadaan xaaladda dhabta ah ee la xiriirta xarigiisa.

Waa markii ugu horeysay oo sharikadda Ethiopian Airlines ay ka baaqato socdaalkeedii joogtada ahaa oo ay ku immaan jirtay magaalada Muqdisho