4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 20, 2019
Diyaaradaha qaadka oo aan ka deggin Puntland

Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)- Diyaaradaha qaadka ayaa maalintii afaraad ka deggin Puntland , kaddib markii uu sameeyey go'aan madaxwaynaha cusub ee Puntland uu ku joojiyay canshuur dhaafka loo sameeyo ganacsatada oo qaadka uu ka mid yahay canshuur dhimista la samayn jiray.

Waxaa la arkayay qaar ka mid ah goobaha lagu iibiyo qaadka ee ku yaalla magaalada Boosaaso oo xiran, balse taas kama reebin deegaannada Puntland inuu soo gaaro qaadka, oo gaadiid ayaa maalmihii u dambeeyay ka keennayay koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Ganacsatada soo dejin jirtay qaadka ayaa qaar ka mid ah waxaa ay ku suganyihiin magaalada xarunta ah ee Garoowe,iyagoo doonaya madaxweynaha cusub inay kala hadlaan sidii wax looga baddeli lahaa go'aanka lagu joojiyay canshuur dhafka.

Qaadka ugu badan waxa uu Puntland uga yimaadda dalka Kenya, halka oo ay diyaarado ka keenan, kuwaas oo garsiiya dhammaan magaalooyinka waa weyn.

Waxaa jira dad soo dhaweeyay go'aanka madaxweynaha ee sababta u noqday inaysan ka soo deggin Puntland diyaaradihii qaadka keeni jiray, iyagoo xata ku baaqay in canshuur dheerad ah laga qaado gaadiidka qaadka soo galinaya, taas oo jirta ayaa haddana dad kale waxaa ay cambaareeyeen go'aanka madaxweynaha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]