4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2019
Howlgal lagu dilay 73 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Howlgal ay ka iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee taageerada militari siiya ayaa lagu dilay ku dhawaad 73 dagaalyahan iska horimaad culus oo maanta oo Sabti ah ka dhacay deegaanka BaarSanguuni ee gobolka Jubbada dhexe.

Gaadiid dagaal oo ay la socdeen xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in lala helay duqeyn ay geystay diyaar dagaal lagu dilay ku dhawaad 73 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.

Iska horimaad culus oo subaxnimadii hore ee saakay dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayeey sheegeen goobjoogayaal in khasaare culus uu ka soo gaaray labada dhinac.

Weerarka ay saakay ku qaadeen Al-shabaab saldhiga militari ee ciidamada dowladda Soomaaliya ee BaarSanguuni ayaa imanaya kaddib markii shalay oo Jimco ah weerar ay ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamada Itoobiya ku dileen 57 Askari sida ay Shabaabku sheegteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]