4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2019
Hoggaanka NUSOJ oo socdaal wada-tashi iyo xog-wareysi ah kusoo gabagabeyay Puntland

Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)-  Socdaal wadatashi ah oo qaatay muddo seddax maalmood oo ay ku bixinayeen guddiga fulinta ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta lasoo gunaannaday.

Xubnaha wafdigan oo shan xubnood ahaa ayaa waxaa horkacayay Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan, ayagoo la kulmeen 73 suxufi, waxayna booqdeen xarumo warbaahineed oo ay ka howlgallaan TV-yo iyo idaacado, halkaasoo ururka NUSOJ iyo suxufiyiinta Puntland isaga warameen qodobbo badan oo ku aaddan xaaladda ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Puntland, xorriyadda saxaafadda Puntland, caqabadaha hortaagan wariyaasha iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin in laga saacido si xirfadooda iyo xorriyadoodda kor loogu qaado.

"Socdaalkan ujeedkiisa waxaa uu ahaa talo wadaag iyo xog-wareysi aan la sameynayno suxufiyiinta Puntland si qorsha howleedka NUSOJ ee 2019 ee aan ka fulineyno Puntland u noqdo mid si toos ah uga tarjumaya waxyaabaha sida tooska ah muhiimada ugu leh suxufiyiinta Puntland". ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ.  

"Wariyaasha waxaan ula kulanay si gaar-gaar ah iyo koox-kooxba, halka qaarkood aan ku booqanay xarumaha shaqo ee ay ka shaqeeyaan oo aan la fariisanay iyaga iyo maamulka warbaahinta ay ka shaqeeyaan si loo helo afkaar dhameystiran oo hagi karta wadada saxda ah ee aan ku howlgali karno". ayuu ku daray Cumar Faaruuq.

Kullamadan wadatashiga ee NUSOJ ku qabatay caasimadda Puntland ee Garoowe waxaa ka qeyb qaatay suxufiyiin ka kala yimid magaalooyinka waaweyn ee dowlad gobolleedka Puntland sida Boosaaso, Qardho, Garoowe, Gaalkacyo iyo Buhoodle. Suxufiyiintan ayaa isugu jiray gabdho iyo wiilal, iyo kuwa muddo kusoo jiray saxaafadda iyo qaar kusoo biiray mihnada sannadihii dambe.

Howl-galkan wadatashiga iyo xog-wareysiga intii lagu guda jiray, NUSOJ waxay la tashiyo dhinaca siyaasadaha quseeya dhowrista xoriyada aas-aasiga ah ee suxufiga, difaacitaanka saxaafada xorta ah, nabadgelyada suxufiga, la dagaalanka dambiyada aan la ciqaabin ee laga galo suxufiyiinta iyo ilaalinta xuquuqaadka shaqo ee suxufiyiinta la yeelatay madaxda Wasaaradaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dhaqanka iyo Shaqada iyo Shaqaalaha iyo hogaanka guud ee hay’adaha amniga Puntland oo ay hoos yimaadiin ciidamada Police, Militariga iyo Sirdoonka.

"Wadatashiyadan waxaa nooga soo baxay talooyin wax ku ool ah oo ka turjumaya xaqiiqda dhabta ah ee ku saleysan baahida suxufiyiinta Puntland, waxaana aan ku jaan-goyneynaa qorsho howleedkeena, waana arrimo aan kula laaban doono suxufiyiinta sanadka marka uu dhamaado si loo ogaado xadiga isbadal ee dadaaladii la sameeyay ay keeneen". ayuu raaciyay Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

Waa markii ugu horreysay ee wariyaasha Puntland ay hor fariistaan madaxda sare ee NUSOJ, si toos ahna ugu gudbiyaan fikirkooda ku aadan mushkiladaha dibada uga imaanaya iyo caqabadaha ka hortaagan gudashada waajibaadkooda xirfadeed, ayadoo loga gol leeyahay in NUSOJ ay gacan ka geysato xal u helidooda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]