3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2019
Wasiir Beyle oo Dalalka Sacuudiga iyo Aljeeriya uga mahadceliyay deymihii ay ka cafiyeen Soomaaliya

 

Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dalalka Carabta ka cafiyaan deymaha,si ay taasi Gogal-xaar ugu noqoto saamaxaadda deymaha ee caalamka intiisa kale.

Wasiir Beyle oo hadal ka jeediyay Shirka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee ka furmay maagalada Bayruut ee dalka Lubnaan , ayaa uga mahad celiyay Dowladaha Carabta taageerada joogtada ah iyo meelmarinta qaraarrada la horkeeno Golaha, si loo taageero dedaallada socda ee fulinta qorshayaasha horumarinta Qaranka iyo cafinta Deymaha Soomaaliya.

“Taageerada Caalamiga ah iyo tan Jaamacadda Carabta ee dalka waa lagama maarmaan waana xaq walaalnimo, si loo xaqiijiyo qorshayaasha leh mudnaanta islamarkaana loo daboolo caqabadaha caqabadaha dhinaca ammniga, dhaqaalaha iyo Bulshada” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada.

Waxa uu mahad celin u jeediyay, Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Beyle, dalalka Sacuudiga iyo Aljeeriya oo ka cafiyay deynta Soomaaliya, taasi oo ka dhigan deynta haatan lagu leeyahay dalka in ay tahay 4.6 Bilyan oo dollar oo ay ku jirto 1.1 Bilyan oo ay leeyihiin dowladaha Carbeed.

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa dhowaan ku ammaantay Dowladda Soomaaliya sida ay uga gudubtay wajiga koowaad ee sharuudaha deyn cafinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/19/2019 1:15 PM EST
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Howlgal ay ka iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee taageerada militari siiya ayaa lagu dilay ku dhawaad 73 dagaalyahan iska horimaad culus oo maanta oo Sabti ah ka dhacay deegaanka BaarSanguuni ee gobolka Jubbada dhexe.

1/19/2019 12:29 PM EST
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Booliska Kenya ayaa laga soo xigtay in la xiray xaaska iyo Aabbaha dhalay ninkii isku qarxiyay weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday dhismaha DusitD2 ee magaalada Nairobi, kaddib howlgal ay ciidanka amniga ka fuliyeen magaalo xeebeedka Mombasa.

1/19/2019 11:48 AM EST
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Turkey ayaa kulan la qaatey ku simaha agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka dalka Turkey.

1/19/2019 11:20 AM EST
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Socdaal wadatashi ah oo qaatay muddo seddax maalmood oo ay ku bixinayeen guddiga fulinta ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta lasoo gunaannaday.

1/19/2019 8:00 AM EST
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Ciidammada amniga ee magaalada Boosaaso ayaa fashiliyay Qarax miino oo xalay lagu aasay bartamaha suuqa wayn ee magaalada Boosaaso .

1/19/2019 6:40 AM EST
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)-Xisbiga kulmiye ayaa maanta shaaciyey in shirweynihii golaha dhexe lagu qabanayo magaaladda Boorama ee gobolka Awdal.

1/19/2019 5:56 AM EST
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Rag hubeysan ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dilay magaalada Muqdisho mas'uul ka tirsanaa maamulka degmada Howl-wadaag iyo Nin dhalinyaro ah oo la socday

1/19/2019 5:15 AM EST
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)-Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay.

1/19/2019 2:19 AM EST
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)-Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa saaka aroortii weerar qorsheeysan ku qaadan Saldhig ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni oo...

1/19/2019 12:55 AM EST
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Ilaa Shan ruux oo u badnaa Taksiilayaal la sheegay in ay xiriir la lahaayeen kooxdii weerartay Talaadadii aynu soo dhaafnay Hotelka DusitD2 ayaa ka soo muuqday maxkamad.

1/19/2019 12:42 AM EST
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ciidamada amaanka gacanta ku soo dhigay 18 ka bishaan oo maalinimadii shalay ku beegneed sarkaal sare oo ka tirsanaa Amniyaadka Al-shabaab.

1/19/2019 12:27 AM EST
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)-Duhurnimadii shalay ayeey aheyd markii koox hubeysan rasaas ku fureen guddoomiyihiii dhalinyaradda degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jiray Sakariye Hadaafoow, waxaana rasaasta lagu furay ka soo gaaray dhaawac culus.