4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 17, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Odayaasha Koonfur Galbeed

 

Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhabo Odayaasha iyo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku ammaanay kaalinta ay ka gaysanayaan taabbo gelinta hawlaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada degaannadaasi.

Madaxweynaha,ayaa dul istaagay sida shacabka ay ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka, taasoo ay tahay in lagu xoojiyo dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka uu la kulmay kaalinta ay ka qaateen samata bixinta dalka, iyagoona u soo dhabar adaygay dadkooda waqti ay jireen duruufo aad u adag.

Dhankooda, duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda guud ee Gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose, iyagoo la wadaagay talooyinkooda iyo aragtiyaha ay ka qabaan dib u xoreynta degmooyinka wali ku jira Gacanta argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maalintii Labaad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa kulamo wada tashi iyo is-xog waraysi ah la yeelanaya hoggaanka iyo waxgaradka degaanka.

Kulanka madaxweynaha ayaa odayaasha ayaa imanaya iyadoo waxgaradka iyo odayaasha Koonfur Galbeed siweyn uga xumaadeen xariggii dowladda Soomaaliya ay kula kacday Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ay dowladda xirtay maalmo ka hor waqtiggii doorashada madaxweynaha isaga oo ka mid ahaa musharixiinta xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]