4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 17, 2019
Al-shabaab ‘’ Weerarkii Nairobi wuxuu jawaab u ahaa go’aanka Mareykanku Qudus ugu aqoonsaday caasimada Isra’il

 

Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)-War qoraal ah oo ka soo baxay Ururka Al-shabaab oo looga hadlay weerarkii galabnimadii Tallaadada ay ka geysteen magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid jawaab looga dhigay waxa ay ku tilmaantay "hadalka aan xikmadda ku dhisnayn" ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Al-Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.

Howlgalka ayeey sheegeen in loogu magac-darray Labey-ka Yaa Qudus wuxuuna aargoosi u ahaa tallaabadii Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

Madaxweynaha Kenya ayaa maanta sheegay in weerarkii huteelka Dusit D2 la soo af-jaray isla markaana la dilay kooxdii weerarka soo qaaday, Uhuru Kenyatta kaloo uu sheegay in weerar-kaas ay ku dhinteen 14 qof oo aan waxba galabsan.

Al-shabaab ma’aha markii ugu horeysay oo ay weerar ka geystaan gudaha dalka Kenya, iyaga oo dhowr jeer oo hore weeraray xarumo waaweyn oo ay ku dileen tiro dad ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]