4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Beydhabo si uu uga qeybgalo Caleemo saarka Lafta-Gareen

 

Arbaco, Janaayo, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxeynaha iyo xubnaha la socda ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay sidii ay uga qeyb gali lahaayeen Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Lafta Gareen oo Beydhabo ka dhaceysa.

Howl wadeeno iyo ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Beydhabo la sii geeyay maalin ka hor si ay u xaqiijiyaan ammaanka Madaxweynaha.

Dhinaca kale waxaa beydhabo ku sugan madaxda kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya xildhibaano, wasiiro, iyo xubno matalaya qaar ka mid ah maamul Goboleedyada Dalka ka jira.

Madaxweyne Lafta-Gareen ku dhawaad muddo bil ah ayuu dooran yahay munaasabadda caleemo saarkiisa marka ay dhamaato maalmaha xiga waxaa la filayaa in uu soo dhiso gole wasiiro oo uu maamulkiisa yeesho.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]