4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2019
Madaxweyne Farmaajo: Waxaan ka shaqeyn doona xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka

Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreeysay sheegay inuu ka shaqeyn doono xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hakiyey xiriirkii wada-shaqeyn ee kala dhaxeeyey golaha shacabka horraantii bishan.Arrintan ayaa timid markii ay isku qabteen arrimo dastuuri ah, oo ay ka mid tahay in dastuurka dhigayo in madaxweynaha saxiixo hindise sharciyeedyada ay soo ansixiyaan labada aqal ee baarlamaanka.

Balse, madaxweynah Soomaaliya ayaa hadda sheegay inuu u istaagayo xal u helida khilaafka labada gole, waxa uu inta ku daray in is-afgaranwaa kasta oo ka dhex dhasha shacabka Soomaaliyeed ay iyagu dhammaysan doonaan, oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo soo farageliya arrimaha gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu soo xirayay Kalfadhig 4-aad ee Golaha Shacabka oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]