4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2019
Madaxweynaha Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Madaxa Midowga Shirkadaha Shiinaha ee Afrika

Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Isniintii shalay xafiiska la wareegay ayaa maanta qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa Midowga shirkadaha dalka Shiinaha ee Afrika  Qian Xian oo booqasho ku soo gaaray magaalada xarunta ah ee Garoowe.

Midowga shirkadaha Shiinaha ee Afrika oo fadhigoodu yahay dalka Itoobiya ayaa madaxweynaha Puntland kala hadlay maalgashi ganacsi oo ay doonayaan shirkadahaasi inay Puntland ka sameeyaan, isla'markaasna shirkadahaasi ay wada shaqayn wanaagsan oo dhinacyo badan taabanaysa ay ula yeelan lahaayeen Puntland.

Qian Xian , oo ah madaxa Midowga shirkadaha dalka Shiinaha ee Afrika  ayaa ku ammaanay Puntland horumarka iyo biseylka siyaasadeed ay gaaratay, waxaana uu tusaale u soo qaatay sidii ay u qabsoontay doorashadii ka qabsoontey Puntland 8-dii bishan Jannaayo ee sannadka 2019ka iyo sidii hufnaanta lahayd ee madaxda Puntland ay shalay xilka ula kala wareegeen.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha  Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarka iyo kobaca dhaqaalaha wadanka ayaa midowga shirkadaha Shiinaha ee Afrika u sheegey in Puntland ay mar waliba diyaar la tahay sidii ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen shirkadahaas,sida ay ku warrantay warbaahinta maamulka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]