4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2019
Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo gobollada u qaybisay buugga qorshe siyaasadeedka waxqabadka dhowrista carruurta ee Puntand

Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo kaa shanaysa hay'adda Save the Children ayaa  gobollada Mudug, Nugaal, Bari, Karkaar, Sanaag iyo Sool u qaybisay buugga qorshe siyaasadeedka waxqabadka dhowrista carruurta ee Puntand.

Agaasimaha waaxda daryeelka carruurta Khadro Axmed Maxamed ayaa shirkan ka qabsoomay magaalada Boosaaso ka sheegtay inay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ay mar walba dadaal dheer ugu jirto sidii loo dhowri lahaa carruurta Puntland ee jooga guud ahaan gobollada Puntand.

Wasaaradda ayaa kulamadaan qaybinta Qorshe Siyaasadeedka Waxqabadka Carruurta Puntland ku qabatay magaalooyinka Galkacyo, Boosaaso, Garoowe, Boocame, Qardho iyo  Badhan waxaana ka soo qayb galay dhallinyaro, haween, culumo iyo odayasha dhaqanka ee degmooyinkaas.

Buugga Qorshe Siyaasadeedkaan ayaa wasaaraddu daah-furtay bishii December sannadkii tagey ee 2018  waxaana soo diyaarisay islamarkaana qoristiisa iyo isku’ dubbaridkiisa la hayd Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland oo kaashanaysa Hay’adda Caalamigga ah ee Badbaadada Caruurta (Save the Children).

Qorshe siyaasadeeddkaan waxqabadka carruurta Puntland ayaa ka kooban 8 cutub oo sharraxaya waxa ay Dowladdu doonayso in ay shan sanno gudahood sameyso si Puntland looga dhigo meel carruurta u wanaagsan.  Sidoo kale buugaan ayaa ah qorshe howleed ballaaran oo isu keenaya howl wadeenno badan oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, bahwadaagta horumarinta carruurta ee Puntland, qeybaha ganacsatada, muwaadiniinta oo ay ku jiraan caruurta.

Ugu danbayntii, qaybihii bulshada ee ka soo qayb galay kullamada lagu qaybinayay buugaan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin buuggan cusub ee uu ku diyaarsan yahay qorshe siyaasadeedka waxqabadka carruurta oo wax badan ka iftiiminaya xaaladda carruurta heerka noloshooda ee dhinacyada waxbarashada, kobcinta garaadka iyo daryeelkoodaba.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]