4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2019
Nairobi ‘’ Ciidamada oo go’doomiyay dhismayaasha la weerarray

 


Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Dhismayaasha la weeraray oo isugu jira hoteello iyo xafiisyo dowladdeed ayaa qaraxyada kaddib waxaa gudaha u gallay oo ilaa waqtigan ka dhax dagaalamaya dabley aan rasmi ahaa tiradooda la shaacin.

Saraakiisha ciidamada dowladda Kenya ayaa sheegay in ay u direen halkaa ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa la dagaallanka Agagixisada si ay ula tacaalaan xaalada, sidoo kale waxaa goobta laga soo badbaadiyay iyo dhismayaasha ku dhaw dhaw tiro badan oo dad rayid ah.

Taliyaha Booliska Nairobi Philip Ndolo ayaa sheegey in ay go’odoomiyaan deegaanka Riverside Drive halkaasoo uu ka ag dhow yahay Hotelka DustD2,waxaana jira shaki ah in dhac uu ka jiro halkaas.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sidoo kale waxaa la arkayaa gaadiid faro badan oo goobta ku gubanaya.

Ciidamada ayaa u muuqda kuwo si taxadir leh u qiimeynaya xaalada mar marka qaarna waxaa la maqlayaa rasaas culus.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]