3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2019
Madaxweyne Farmaajo Erayo jees jees ah ku weerarray xildhibaannadii mooshinka ka keenay sanadkii hore, Akhriso

 

Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa erayo u muuqday jees jees laakiin uu ku sheegay in ay kaftan ahaayeen hawadda u marayay xildhibaannadii mooshinka ka keenay.

Madaxweynaha oo markii ugu horeysay ka hadlay mooshinkii dhawaan laga keenay ayaa sheegay in xildhibaannadda mooshinka soo gudbiyay ahaayeen kuwo ka tirsanaa dowladdii Qabyo…. Sidaa daraadeed mooshinkoodana uu ahaa mid Qabyo oo aan dhameystirneyn.

Waxaana uu yiri madaxweynuhu’’ Markii aan ka war helay Mooshinka waxaan soo wacay guddoomiyaha Golaha Shacabka oo waxaan ku Iri…Guddoomiye Mooshin baa la qabtaye, see wax u yihiin, wuxuu i yiri waa i hor-yaalaa.. waxaan Iri sidee ayuu u egyahay.. Wuxuu Igu yiri aan kugu soo celiyo, warqadihii ayuu rogrogay… wuxuu i yiri nambrkaas waaye, waxaa ku iri yaa ka dambeeya, wuxuu i yiri waxaa ka dambeeya dad walaalo ah oo la yiraahdo Qabyo.. Ma Qabyada isla ogeyn, waa Qabyo, waxaa ku ogeyn wax walba in ay qabyo uga tagaan bal fiiri hadduu mooshinka dhan yahay, dib buu u fiiriyay, wuxuu arkay saxiixyo la saxiixay sanadkii 2017, tuhunka la qabana uu yahay dhamaadka 2018, waxaan ku iri see ay isku waafaqeysa, wuxuu yiri, waxay arkayeen waxa soo socda sanad ka bacdi, waxaan ku Iri qalad kale maku jiraa, wuxuu yiri saxiixa waxaa ka maqan taariikhda, waxaan ku Iri sidee taariikhda qofka ku iloobay, waxaan ku iri maxaa kaloo ku jira, waxaa kaloo ku jira dad kaloo xanuunsan oo dibadaha jira oo aan ka warqabin waxa socda”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri waxaan ku Iri guddoomiyaha oo maxey tahay arintan maxaa looga dan leeyahay ilee waa Qabyee… Wuxuu igu yiri waxey leeyihii Qabyo Ninkeedaa dhameystira…Waxaa ku Iri taasi sow 2016kii ma aheyn… Wuxuu igu yiri Maya ee waa 2019….Waayahay ee Maxey rabaan ayaa ku Iri guddoomiyaha….Wuxuu igu yiri waxey rabaan in guddiga hanti isku celinta lagu darro si ay iyagu u maamulaan…in ay ka shaqeeyaan Isku soo dhawaanshaha Shacabka iyo dowladda...In ay dhameystiraan heshiisyaddii horey u jiray….In Kanaalkii aan sheegay ayaan dhaweyd ee aan soo xiray loo soo daayo oo Beerta lagu fasaxo…Waxey rabaan ayuu yiri in ay ka shaqeeyaan hufnaanta Dhaqaallaha…In ay ka shaqeeyaan oo ay joogteeyaan bixinta Mishaarka…Tan ugu danbeysa waxey doonayaan in ay soo celiyaan sharafkii Umadda Soomaaliyeed.. ayuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyay madaxweynaha.

Inkastoo madaxweynaha markii uu khudbadiisa bilaabay sheegay in uu kaftamayo.. haddana dhinaca kale waxaa muuqata in madaxweynuhu weerar toos ah ku qaaday xildhibaannada ka soo horjeeda hoggaankiisa ee ku jira Golaha Shacabka.

Xildhibaannada madaxweynaha mooshinka ka keenay sanadkii hore laakiin markii danbe ka tanaasulay ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu gallay Qiyaanno Qaran kuna xad gudbay sharuucda dalka sidaa daraadeed mudan yahay in uu xilka isaga taggo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
1/15/2019 2:21 PM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in ay wali la tacaalayaan sidii loo soo afjari lahaa weerarkii qorax dhicii maanta oo Talaado ah koox hubeysan ku qaadeen dhismayaal isugu jiray hoteello iyo xafiisyo dowladdeed magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

1/15/2019 12:07 PM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Baydhabo,halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

1/15/2019 11:38 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhawaacmay is rasaaseyn la sheegay inay u dhaxeysay labo shirkadood oo korantada ka shaqeeya magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso,sida ay mas'uuliyiinta xaqiijiyeen.

1/15/2019 11:25 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreeysay sheegay inuu ka shaqeyn doono xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

1/15/2019 11:16 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Wafdi ka socda Bangiga adduunka oo gaaray caasimadda Muqdisho ayaa kulan la qaatay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,iyagoo ka wada hadlay arimo ku saabsan horumarka maaliyadda dalka.

1/15/2019 10:58 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Isniintii shalay xafiiska la wareegay ayaa maanta qaabilay wafdi uu hoggaaminayo madaxa Midowga shirkadaha dalka Shiinaha ee Afrika Qian Xian oo booqasho ku soo gaaray magaalada xarunta ah ee Garoowe.

1/15/2019 10:45 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo kaa shanaysa hay'adda Save the Children ayaa gobollada Mudug, Nugaal, Bari, Karkaar, Sanaag iyo Sool u qaybisay buugga siyaasada qorshe siyaasadeedka waxqabadka dhowrista carruurta ee Puntand.

1/15/2019 10:28 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Waxaa weli soconaya rasaas ay is weeydaarsanayaan kooxaha weerarka fuliyay iyo ciidamada ammaanka Kenya, kuwaa oo isku dayay in kooxahani ay ka saaraan dhismaha ay ku jiraan.

1/15/2019 9:51 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Dhismayaasha la weeraray oo isugu jira hoteello iyo xafiisyo dowladdeed ayaa qaraxyada kaddib waxaa gudaha u gallay oo ilaa waqtigan ka dhax dagaalamaya dabley aan rasmi ahaa tiradooda la shaacin.

1/15/2019 9:31 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhashay weerar qaraxyo ku bilaawday oo lagu qaaday dhismo ay ku yaallaan hoteello iyo xafiisyo.

1/15/2019 8:52 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Kenya, gaar ahaan kuwa la dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan (Anti-Terror) ayaa lagu soo waramayaa in ay gubeen xarun ay shirkadda Hormuud ku lahayd deegaanka Cali-Buuleey oo qiyaastii 30-km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose.

1/15/2019 7:03 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Wafdi uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyaga oo halkaa uga qeybgalaya munaasabada calleemo saarka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

1/15/2019 6:00 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu diiday inuu u shaqeeyo Ruushka, arrintaas oo uu kaga jawaabayay wararkii ugu dambeeyay ee su'aasha galinayay xiriirka Trump kala dhaxeeya Moscow.

1/15/2019 1:12 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad loo qabtay xiritaanka Kalfaggii Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Goluhu u dhisneyn is hortaaga howlaha xukuumadda.

1/15/2019 12:41 AM EST
Talaado, Janaayo, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xiray Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa baarlamaanka uga mahad celiyay ansixinta sharciyo dhowr ah oo u muhiim u ah sida uu hadalka u dhigay dalka.