3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2018
Shirkii looga hadlayay arimaha Beeraha oo ku soo xirmay Columbus
\

Isniin, June, 25, 2018 (HOL) - Shir looga hadlayay arimaha Beeraha oo ay ka soo qeybgakeen aqoonyhano Soomaaliyeed oo ka kala yimid meelo kala gadisan ayaa manta lagu soo xiray magaalada Columbus Ohio ee dalkan Mareyknka.

Shirka oo soo biloowday maalinimadii jimcada waxa uu sadxda cisho ka socday Jaamacada Ohio State University ee magaalada Columbus,waxaana ka soo qeybgalay dad aad u badan oo isugu jiray waxgarad,Culumo,Macalimiin jaamacado ka dhiga dalkan Mareykanka,Masuuliyiin xilal ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray iyo qeybo kale oo muiim ah.

Ujeedk ayaa ahaa sidii loo lafo guri lahaa loona dhiraan dhirin lahaa xaalada Beeraha iyo Biyaha Soomaalia,waxa si weyn looga doody arimaha Beeraha iyo sida loo hormumarinkaro,halkii ay Mari jireen beerha Soomaaliya,Halka Manta ay joogaan iyo halka lagu socdo.

Waxaa la isla qiray in xaalada Colaadaha iyo Amni xumada ka jirta dalka Soomaaliya ay saamayn buuxdo ku yeelatay waxsoo saarkii Beeraha oo xili ahaan jiray mid ka mid ah dalalka ugu wax soo saarka badan Afrika dhanka Beeraha.

Aqoonta ku jirta aqoonyahanada iyo kaalimaha Banaan ayaa ah kuwo ka tarjumayay saamaynta ay colaaduhu xitaa ku yeesheen dadkii dalka wax u bartay oo aan aqoontoodii ku celin sababo amni awgood.

Waxaa si weyn looga hadlay Noocyada dhirta Soomaaliya oo ahaa Barnaamij aad u xiiso badnaa,Baaritaano horey loo sameeyay iyo quburo sheegtay in mudadii baaritaankooda ay soo ogaadeen in Soomaaliya ay ka baxaan geedo aan caalamka intiisa kale ka bixin.

Wabiyada iyo talaabooyinka Dowlada itoobiya ku samaynayso biyo xireenada ayaa ahaa midka sida aadka isna looga hadlay waxana laga warbixiyay marxaladaha ay wabiyada Soomaaliya horey iyo iminkaba ugu suganyihiin.

Doorka dowladnimo ee Beeraha iyo wabiyada waa kuwo dhaliil badan loo soo jeedinayo waxaase wali muuqata rajo fiican oo ay leeyihiin Beeralayda, iyo dadka xoolaha dhaqda, waxana Tuusaale loo soo qaatay in ay jiraan dalal ay Soomaaliya kag fiicantahay wax soo saarka Beeraha iyo Xoolaha nool iyada oo mudo dheer Nidaam la'aan ka jirtay.

Waxaa mudadii uu barnaamijku socday la qabtay doodo iyo aragti is dhaafsi ku salysnayd Beeraha Soomaliya.

Waxaa ugu danbayn la isla qaatay dhowr arimood oo ay ka mid tahay in la helo amni oo laga wada shaqeeyo sidii amniga loo xoojin lahaa, In Aqoonyahanda Beeraha ku xeel dheer lagala tashado wixii ku saabsan horumarinta Beeraha, In la sameeyo qiimayn iyo siyaasad lagu horumarinayo Beeraha.

Aqoonayahanadii ka soo qeyb galay shirkan ayaa sheegay in aysan jirin Dowlad iyo urur u diray ama dhaqaalo ku siiyay shirkan balse ay iskood isku xilsaareen, isla markana y diyaar u yihiin in ay si mutadawacnimaa aqoontooda uga faaiideeyaan dalkoda.

Waxaa uu ahaa barnaamij aad u xiiso badan wax badana looga hadlay arimaha beeraha iyo Soomaaliya, waxa uu ku soo xirmay Jawi aad u macaan.













Click here
6/25/2018 1:49 PM EST
Isniin, June, 25. 2018 (HOL)-Deegaannada Puntland, waxaa ku qulqulaya tiradii ugu badneyd oo tahriibayaal Itoobiyan ah, kuwaaso ujeedkoodu uu yahay siddii ay ku gaari lahaayeen magaalada dekedda leh ee Boosaaso oo ay si dhuumaaleysi ah uga tahriibaan.

6/25/2018 12:42 PM EST
Isniin, June, 25. 2018 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay waraaq Soomaaliya u qortay beesha caalamka oo ay ka dalbanayso in dhaqaalihii gaarka loo siin jirey laga joojiyo.

6/25/2018 10:56 AM EST
Isniin, June, 25. 2018 (HOL) - Magaalada Garoowe, ee xarunta Puntland ayaa lugu qabtay bandhiga xeerka isgaarsiinta Soomaaliya , waxaana ka qeybgalay madaxweynaha Puntland iyo wasiirrada isgaarsiinta dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

6/25/2018 10:49 AM EST
Isniin, June, 25. 2018 (HOL)-Baarlamaanka Puntland oo Isniinta maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe ayaa meelmariyay ajandaha muddada uu socdo kalfadhiga 41 aad.

6/25/2018 10:10 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL) – War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee urur gobolleedka IGAD ayaa lagu sheegay in shaqadii iyo xilkii uu ka hayay Urur gobolleedka laga saaray Col. Gabre ahaa La Taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda ee xog-hayaha Guud ee IGAD, kaasoo xilkan loo magacaabay sanad ka hor.

6/25/2018 7:49 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga oo ka yimid dhanka magaalada Jowhar.

6/25/2018 6:37 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL)-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Jabuuti.

6/25/2018 3:17 AM EST
Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa lagu qabtay dood cimliyeedka Fagaaraha Forum qeybtiisa 28-aad, taas oo lagu lafa guray in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, maadaama madaxda dowladda Federalka iyo maamul goboleedyadu isla garteen in doorasha la qabto. Doodan waxaa ka soo qeyb galay Senator Ayuub Ismaaciil Yusuf oo ka tirsan aqalka sare ee golaha shacabka, Xuseen Caydiid oo hore u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha iyo ra'isul wasaare ku xigeen, Zaynab Xasan oo ah aqoonyanahad, cilmi baare iyo la taliye madax bannaan iyo Prof. C/llaahi Osman Xiirey oo ahaa la guddoomiyihii guddiga doorashada ee sanadkii 2012.

6/25/2018 2:48 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL)-Beel ka mid ah beelaha waaweyn ee reer Somaliland ayaa shir uga furmay Buurta gacan libaaax ee gobolka Saaxil, kaasi oo ay kaga arrinsanayaan arrimo khuseeya beeshooda.

6/25/2018 12:47 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL)–Saraakiisha Booliiska dalka Itoobiya ayaa sheegay dadka looga shakiyey iney ku lug leeyihiin qaraxi Sabtidi lala beegsaday dad dibadbax ka sameeynayey magaalada Addis Ababa ay tiradoodu gaadhay 30 qof baadhitaanna uu ku socdo.

6/25/2018 12:21 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL)-Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ku sugan magaalada Kigali ee dalka Rwanda, kaddib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame.

6/25/2018 12:14 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Turkiya ka dhacday.

6/25/2018 12:03 AM EST
Isniin, June, 25, 2018 (HOL)-Recep Tayyip Erdogan ayaa marki labaad ku guuleystay madaxweynanimada dalkaasi Turkiga oo la tiriyey codadki doorashada laga dhiibtay 99 boqolkiiba sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.