4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2018
Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal

 

Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal, sida ku cad wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland oo guddoomiye cusub loogu magacaabay gobolka Nugaal.

Cumar Cabdullaahi Faraweyne , guddoomiyaha xilka laga qaaday ee gobolka Nugaal, wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta saameynta ku leh gobolka ee aadka ugu dhow madaxweynaha Puntland, lamana sheegin sababaha xilka looga qaaday Cumar Faraweyne.

Waxaa xilka guddoomiyaha gobolka Nugaal loo magacaabay, Cabdisalaan Xasan Xirsi oo ku magac dheer Gujir, wuxuu horey usoo noqday duqa degmada Garoowe ee xarunta Puntland xilligii xukuumaddii Madaxweynihii geeryooday allaha u naxaristo, Cadde Muuse.

Xilka qaadista ayaa ku soo aaday iyadoo muddo ka yar afar bilood ay ka harsantahay xil heynta xukuumadda u hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas, sidoo kale waxaa si iskiis ah u sheegay Axaddii shalay in uu is casilay wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online