4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2018
Xabsiga Jeel Ogaadeen-niya oo gabi ahaan la xiray

 

Isniin, September, 24, 2018 (HOL) - Waxaa si rasmi ah albaabada loogu laabay xabsigii ugu weynaa gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Jeel Ogaadeen-niya oo muddo dheer ay ku xirnaayeen maxaabiis loo heystay arrimo siyaasadeed haba ugu badnaadeen dadka iyagu taageera Ururrada mucaaradka Itoobiya sida ONLF.

waxaana mas’uuliyiintu sheegeen in loo beddeli doono Miyuusiyam ama matxaf loo daawasho tago. Maxaabiistii ugu dambaysay ayaa la sheegay in halkaasi laga sii daayey shalay.

Bashir Axmed Xaashi oo ah taliye ku xigeenka ciidanka asluubta dawlad deegaanka Soomalida oo arrinta xiritaanka xabsiga ka waramayay ayaa sheegay in tallabadan tahay mid mudan in la soo dhaweeyo.

Go’aankan lagu xiray Jeelka waxaa gaaray golaha wasiirradda dowlad deegaanka, iyadoo ay siweyn u soo dhaweeyeen dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan gobolka Soomaalida.

Dadka qaar ayaa la sheegay in muddo ka badan 5 sanadood ay ku xirnaayeen godad ka sameysan gudaha xabsiga, qaarkoodna waxaa ay kala kulmi jireen ciqaab adag iyo jirdil loogu geysto halkaa.

Tallaabadan ayaa timid kaddib isbadal dhinaca maamulka ah oo ka curtay guud ahaanba dhulka Ismaamulka Soomaalida, waxaana meesha ka baxay xukuumaddii hore ee uu hoggaamin jiray Cabdi Maxamuud Cumar oo hada maxbuus u ah dowladda Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]