Xaaf oo ku gacanseyray baaqii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in shir deg deg isugu yimaadaan madaxda Galmudug
Axad, September, 23, 2018 (HOL)–Madaxweynaha
dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hor yimid baaqii
madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in shir deg deg ah isugu
yimadaan madaxda dowlad gobolleedka Galmudug.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda Galmudug in ay ka soo qeybgalaan
shir ka dhacaya madaxtooyada Soomaaliya oo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka
dhaxdooda ah.
War ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu
sheegay in aanay jirin Madax Galmudug oo is khilaafsan, wixii ka dambeeyay
18-kii bishan September, isla markaana mushikadaha ka jiray Galmudug ee
siyaasadeed iyo amni ay ahaayee kuwo la abuuray oo laga soo maleegay Madaxtooyada
Soomaaliya.
Wuxuu intaa ku daray in iyada oo la ixtiraamayo
go’aankii shirka Kismaayo ee dowlad gobolleedyada xiligan suurtagal aheyn in ay
shir u tagaan madaxtooyada Soomaaliya.
Sidoo kale dowladda federaalka ayuu ku eedeeyay
in ay iska dhaga-marineyso Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa
lagu sheegay in aanay jirin Madax Galmudug oo is khilaafsan, wixii ka dambeeyay
18-kii bishan September, isla markaana mushikadaha ka jiray Galmudug ee
siyaasadeed iyo amni ay ahaayee kuwo la abuuray oo laga soo maleegay
Madaxtooyada Soomaaliya.
Waa baaqii labaad ee madaxweynaha Soomaaliya oo
lagu gacanseyro isaga oo horey ugu guuldareystay in uu shir isugu keeno madaxda
dowlad gobolleedya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]