4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2018
Maxey tahay sababta madaxweyne Farmajo uu uga baaqday safarkii uu ku tagi lahaa dalka Mareykanka

 

Axad, September, 23, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baajiyay socdaal uu ugu anbabixi lahaa magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaa oo uu ka furmayo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobey.

Magaalada New York waxaa gaaray wasiirka arrimaha dibedda dalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo shirka ku matali doona madaxweynaha dowladda Soomaaliya, isaga oo halkaa ka jeedin doona khubaddii madaxweynaha ee la xiriirta xaalada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayuu qorshuhu ahaa in uu maanta oo Axad ah u duulo dalka Mareykanka, hasse ahaatee danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Cusman ayaa Hiiraan Online u sheegay in madaxweynuhu u baaqday sidii xal looga gaari lahaa xiisada siyaasadeed ee ka dhax-taagan Galmudug .

Balse ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw madaxtooyada ayaa HOL u sheegay in ay jirtay baqdin madaxweynaha uu ka qabay dibedbaxyo ka dhan ah maamulkiisa oo la qorsheeyay in lagu soo dhaweeyo marka uu tago dalkaasi Mareykanka, taasoo qeyb ka ah sababaha uu safarkan uga baaqday.

Qorshaha safarka madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa in uu kulan la qaato Jaaliyada Soomaliyeed ee magaalada Minneapolis, hasse ahaatee waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo ballaaran oo Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka ay uga soo horjeedaan maamulka madaxweynaha Farmaajo oo wajahaya dhaleeceen siyaasadeed iyo mid amni tan iyo markii xilkan loo doortay sanadkii 2017da.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku qasbanaa haddii uu tago dalka Mareykanka in uu ka qeybgalo xafladda arooska gabadhiiisa oo ka dhaceysa Buffalo todobaadkan.

Farmaajo ayaa wajahaya waqti adag oo dowladdiisa ay cadaadis ba’an ku hayaan dowlad gobolleedyada oo dhawaan shaaciyay in ay xiriirkii wada-shaqeynta u jareen, sidoo kalana waxaa jirta in hadda dowladda uu madaxweynaha ka yahay lagu dhaleeceynayo in ay ku fashilantay wax ka qabashada amniga gudaha oo u muuqda mid faraha ka soo baxaya.

Dhawaan ayuu ku baaqay shir deg deg ah oo ay ka soo qeybgalaan madaxdaa dowlad gobolleedyada kaa oo ka dhici lahaa Muqdisho, laakiin baaqiisii ayaan waxba ka soo bixin kaddib markii ay madaxweynayaasha shanta dowlad gobolleed ka ka soo horjeesteen ka qeybgalka shirka iyaga oo sharuudo ku xiray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]