4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2018
Cabdiweli Gaas “ Wadajir aannu ula dagaallano argagixisada
 
 
Axad, September, 23, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay kooxaha al-Shabaab iyo Daacish in looga guuleysan karo markii wadajir ah ay ula dagaallamaan hay’adaha ammaanka iyo shacabka.

“Waan isaga filanahay al-Shabaab iyo Daacish.”ayuu yiri Cabdiweli Gaas  isagoo ku sugan magaalada Boosaaso, wuxuu inta ku daray “Waxaa muhiim ah inan loo dabcin cadowga... waxaan aaminsanahay in dadkeennu haddaan isku xirnaano shacab ahaan iyo xukuumad ahaanba inan ka guuleysan karno.”

Madaxweynaha Puntland waxaa kalo uu sheegay inay ku imaan karto ka guuleysiga kooxaha marka ay shacabka usoo warramaan hay’adaha ammaanka oo ay si dhow ula shaqeeyaan, isagoo sheegay dowladda inay ka go’antahay sidii loo xaqiijin lahaa guud ahaan ammaanka.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aaday xilli toddobadyadii u dambeeyay dhowr dil ay ka dhaceen magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso, waxaana qaar ka mid ah dilalka sheegtay kooxda al-Shabaab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]