3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2018
Qarax goor dhaw ka dhacay Isgoyska dabka magaalada Muqdisho

 

Sabti, September, 22, 2018 (HOL) –Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray gaari ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho sida ay goob-joogayaal u sheegeen Hiiraan Online,

Gaar ahaan qaraxan ayaa ka dhacay ilinka hore dhisme ka soo horjeeda Daarta Colow Tower, waxaana la sheegay in uu yahay gaari Nooca raaxadda ah lagu soo xiray walxaha qarxa.

Gaarigan la qarxiyay ayaa la sheegay in uu lahaa Prof Yaxye Sheekh Caamri, waxaana ku nafwaayay  qaraxa nin ay walaalo ahaayeen oo lagu magaabi jiray Cumar Shiikh Caamir.


Waxaa goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah, ilaa haddana ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan oo laga helay xogta qaraxan

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/22/2018 4:46 PM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxmed Cabdi Waare ayaa xilka guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar [ Yuusuf Daba-geed]

9/22/2018 1:14 PM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL) –Warar dheeraad ah iyo faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax lagu soo xiray gaari oo galabta ka dhacay Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.

9/22/2018 9:56 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Amb. Aadan Xasan Aadan oo dalka dib ugu soo laabtay, tan iyo horaantii bishii August oo uu dalka ka maqnaa.

9/22/2018 8:29 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)- Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in tiro dad ah oo la tuhusan yahay loo qab qabtay dilka wiil yar oo shan sano jir ahaa, kaa oo meydkiisa laga helay magaalada Muqdisho.

9/22/2018 7:57 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)- Somaliland waxa muran ka dhex abuuray xeerka kufsiga oo golaha Wakiiladu ansixiyeen, madaxweynuhuna dhaqangaliyey, taas oo keentay in qaybaha kala duwan ee bulshadda si weyn uga qayliyaan.

9/22/2018 6:49 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ay dil toogasho ku riday Mahad Xusseen Siidoow oo ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo horaantii bishan toogasho ku dilay gudaha magaalada Beledweyne marxuum Yaasiin Cali Saney oo ahaa darawal Mooto Bajaaj.

9/22/2018 4:41 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)–Inta badan shaqaalaha Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaan wax mushahaar ah ma qaadanin labadii bilood ee la soo dhaafay, sida ay BBC-da u xaqjiyeen mas'uul sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda iyo shaqaale aan mushaar qaadaninba.

9/22/2018 1:24 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL) – Ra'iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) wuxuu markii ugu horreeysay sheegay dowladda Federaalka inay qorsheysay kulan fool ka fool ah oo ay yeeshaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi.

9/22/2018 12:25 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad ayaa u ambabaxay magaalada New York,isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

9/22/2018 12:17 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhacdadii ay dadka badan ku dhinteen ee dalka Tanzania, ayaa ka tacsiyeeysay dhimashada Doontii degtay.