4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2018
Taliska Booliiska oo faah faahin ka bixiyay dad loo xiray dilka wiil yar oo shan sano jir ah

 

Sabti, September, 22, 2018 (HOL)- Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in tiro dad ah oo la tuhusan yahay loo qab qabtay dilka wiil yar oo shan sano jir ahaa, kaa oo meydkiisa laga helay magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka Booliiska Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ilaa saddex ruux loo hayo tuhun la xiriira dilka wiil yar, laakiin waxaa uu taliyuhu beeniyay in wiilka yar Kilyaha lagala baxay.

Wuxuu sheegay in ciidamada oo howlgal ku jira arkeen meydka wiilkan yar oo gaari looga dhaxtagay kaddib-na ay ciidamadu dadkan ka soo qabteen xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid oo ah halka laga helay meydka wiilka yar.

Meydka wiilkan shan sano jirka ah ee la helay ayaa qeyb ka noqonaya dhacdooyin dilal ah oo is xig xigay, kuwaa oo waayadii ugu danbeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho, dilalkan-na qaarkood waxaa ay ahaayeen kuwo bulshada ka fajiciyay, sida haweeneydii shalay lagu dhax dilay gudaha fasalkeedii waxbarashada Jaamacada Soomaaliya iyo qof loo dilay kadib-na dab la qabad-siiyay arrimo la xiriira Heeyb Sooc Guur.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]