3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2018
Wasiirka arrimaha dibadda oo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ka jeedinaya khudbadii madaxweyne Farmaajo
Wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad , Sawir hore
Wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad , Sawir hore


Sabti, September, 22, 2018 (HOL) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya,Axmed Ciise Cawad ayaa u ambabaxay magaalada New York,isaga oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya fadhiga guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Cawad waxa uu ka jeedin doonaa shirweynahaasi khudbadda Madaxweynaha isaga oo ka wakiil ah Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Sanadkii hore ayaa sidan oo kale waxaa khudbadda madaxweynaha ka jeediyay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Ma cadda wali waxyaabaha qasbaya inuusan madaxweyne Farmaajo tagin fadhiga guud ee Qaramada Midoobay oo muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya oo wali ku tiirsan taageerrada beesha caalamka oo Qaramada Midoobay ay ka mid tahay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/22/2018 4:46 PM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxmed Cabdi Waare ayaa xilka guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar [ Yuusuf Daba-geed]

9/22/2018 1:14 PM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL) –Warar dheeraad ah iyo faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax lagu soo xiray gaari oo galabta ka dhacay Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.

9/22/2018 10:28 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL) –Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray gaari ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho sida ay goob-joogayaal u sheegeen Hiiraan Online,

9/22/2018 9:56 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Amb. Aadan Xasan Aadan oo dalka dib ugu soo laabtay, tan iyo horaantii bishii August oo uu dalka ka maqnaa.

9/22/2018 8:29 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)- Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in tiro dad ah oo la tuhusan yahay loo qab qabtay dilka wiil yar oo shan sano jir ahaa, kaa oo meydkiisa laga helay magaalada Muqdisho.

9/22/2018 7:57 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)- Somaliland waxa muran ka dhex abuuray xeerka kufsiga oo golaha Wakiiladu ansixiyeen, madaxweynuhuna dhaqangaliyey, taas oo keentay in qaybaha kala duwan ee bulshadda si weyn uga qayliyaan.

9/22/2018 6:49 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ay dil toogasho ku riday Mahad Xusseen Siidoow oo ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo horaantii bishan toogasho ku dilay gudaha magaalada Beledweyne marxuum Yaasiin Cali Saney oo ahaa darawal Mooto Bajaaj.

9/22/2018 4:41 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)–Inta badan shaqaalaha Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaan wax mushahaar ah ma qaadanin labadii bilood ee la soo dhaafay, sida ay BBC-da u xaqjiyeen mas'uul sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda iyo shaqaale aan mushaar qaadaninba.

9/22/2018 1:24 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL) – Ra'iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) wuxuu markii ugu horreeysay sheegay dowladda Federaalka inay qorsheysay kulan fool ka fool ah oo ay yeeshaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi.

9/22/2018 12:17 AM EST
Sabti, September, 22, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dhacdadii ay dadka badan ku dhinteen ee dalka Tanzania, ayaa ka tacsiyeeysay dhimashada Doontii degtay.