3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo shir degdeg ah isugu yeeray madaxda Galmudug

Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda dowlad-goboleedka Galmudug si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday deegaannadaas.

"Madaxweynuhu waxa uu si dhaw ula socdaa khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka dhex jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxa uuna ka walaacsanyahay isku dhacyada qaar kamid ah beelaha deggan Gobolka Galguduud oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac." ayaa lugu yiri warsaxaafadeed goor dhow ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta.

"Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg."ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Shirkan uu isugu yeeray Madaxweynaha ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Soomaaliya  laga billaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/21/2018 5:36 PM EST
Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo habeenkii saddexaad ku sugan magaalada Badhan ayaa galinkii dambe ee maanta dhagax-dhigay terminal garoonka diyaaradaha magaalada Badhan.

9/21/2018 5:09 PM EST
Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Booliska Soomaaliya ayaa xiray ugu yaraan siddeed ruux oo ku eedeysan dilal kala duwan oo caasimadda Muqdisho ka dhacay 24 saac ee u dambeysay, sida ay sheegeen saraakiisha.

9/21/2018 1:12 PM EST
Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dalka Vietnam,Tran Dai Quang ayaa geeryooday isagoo oo ay da’diisu aheyd 91 sano,sida ay baahisay wakaaladda wararka ee ee dalka Vietnam.

9/21/2018 12:21 PM EST
Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dalka Kenya,Uhuru Kenyatta ayaa maanta qalinka ku duugay sharciga cusub ee maaliyadda, kaaso oo dooddisa ay tagneyd toddobadyadii u dambeeyay.

9/21/2018 11:39 AM EST
Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Puntland ayaa u geeriyooday rasaas uu furay askari ka tirsan ciidammada booliska degmada Badhan ,xilli uu ka yimid deegaanka Hadaaftimo.

9/21/2018 9:30 AM EST
Jimco, September, 21, 2018 (HOL)–Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw oo maanta ah ku toogtay xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo watay gaari yar oo ku raaxda ah.

9/21/2018 6:46 AM EST
Jimco, September, 21, 2018 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa duhur-nimadii maanta gudaha Jaamacada UNISO ku dhax toogtay gabar Ardey aheyd oo lagu magacaabi jiray Aamina Xusseen Xassan gudaha fasalkii ay wax ka baraneysay.

9/21/2018 5:04 AM EST
Jimco, September, 21, 2018 (HOL)–Shacabka ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa loogu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan dagaalka ka dhanka Ururka saldhiggiisu yahay Soomaaliya ee Al-shabaab.

9/21/2018 2:52 AM EST
Jimco, September, 21, 2018 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil koox hubeysan magaalada Muqdisho ugu geysteen subaxnimadii hore ee saakay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

9/21/2018 2:11 AM EST
Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo magaalada Nairobi kulamo kula qaatay madaxda hay'adda IMF ayaa sheegay in dowladda loo xaqiijiyay inaysan dhinac uga dhicin shuruudaha ay ku gaari karaan in deymaha laga cafiyo.

9/21/2018 12:27 AM EST
Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Ugu yaraan 42 ruux ayaa ku dhintey Doon sidey boqollaal ruux oo ku degtay harada Victoria ee waqooyiga Tanzania.

9/20/2018 11:52 PM EST
Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo markii ugu horreeysay ku shiray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay fuliso ballan-qaadkii ahaa ka qaybqaadashada dhismaha waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo.