4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2018
Madaxweynaha dalka Kenya oo saxiixay sharciga maaliyadda ee doodda dhaliyay

Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dalka Kenya,Uhuru Kenyatta ayaa maanta qalinka ku duugay sharciga cusub ee maaliyadda, kaaso oo dooddisa ay tagneyd toddobadyadii u dambeeyay.

Sharcigan wuxuu horseedaya in canshuurta la kordhiyo,dowladda Kenya waxay ku sheegtay sharcigan waxa ugu weyn ee laga dhaxlayo inay tahay boqollaal milyan oo lacagta Marekanka ah oo dowladda u soo xaroon doonta, waxaa dhaqaalaha uu xal u noqon karaa miisaaniyad yarida  haysata xukuumadda Kenya.

Baarlamaanka Kenya oo khamiistii sharcigan dood kulul ka yeeshay ayaa markii dambe meel-mariyay, dowladda ayaana dadaal badan ku bixisay sidii sharciga uu u heli lahaa ogaalanshaha Baarlamaanka.

Madaxweyne Kenyatta, marka uu sharcigan saxiixay wuxuu sheegay in si wanaagsan loo isticmaali doono canshuurta ay dadku bixiyaan, isagoo boggiisa twitterka ku soo qorey in lugu gaarayo canshuurta isbadal ku yimaada Kenya, waxaa kalo u bulshada Kenyanka u xaqiijiyay dowladda inay kor u qaadeyso dagaalka ay kula jirto musuqmaasuqa, si buu yiri canshuurta aan looga leexin halkii loogu talagalay.

Laakin waxaa diidmo kala horyimid sharciga uu maanta saxiixay madaxweynaha Kenya, shacabka Kenyanka oo u arka in canshuuraha dheeradka ah kor u qaadi karaan musuqmaasuqa baahsan ee Kenya.

Ugu dambeyntii, sharcigan cusub waxyaabaha uu saameynayo oo canshuurta lugu kordhiyay waxaa ka mid ah khamaarka iyo canshuurta shidaalka oo lagu kordhiyay 8%, taas oo dood kulul dhalisay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]