4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2018
Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo baaq u diray dowladda Federaalka

Jimco , September, 21, 2018 (HOL) –Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo markii ugu horreeysay ku shiray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay fuliso ballan-qaadkii ahaa ka qaybqaadashada  dhismaha waddada Ceeldaahir  iyo Ceerigaabo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Axmed Cali Xaashi  oo galinkii dambe ee khamiistii guddoomiyay shirka guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Puntland ayaa sheegay dowladda dhexe ee federaalka ah inay dhowr mar ballanqaad u sameysay waddada Ceeldaahir  iyo Ceerigaabo oo hadda la soo gabagabeeyay wajiga koowaad.

"Ma jiro wax ka hirgalay ballan-qaadkii dowladda federaalka oo aan isla ognahay madaxweyne iyo ra'iisul wasaare... Waxaan  ugu baaqaya inay soo dedejiyaan." ayuu yiri Axmed Cali.

"Federaalka waxbadan ayaan ka fileynaa oo ah adduunka waxa uu bixiyo oo aanan wali waxba ka heyn , awal waxaan ugu cududaareynay howl badan oo amni ayay ku jiraan.laakin hadda way soo dhaftay shilinba kama heyno , go'aan waxaan isla qaadanay xukuumad iyo Baarlamaanka , dowladda federaalka waxa ugu horreeya inay waddada nagala qaybgalaan." ayuu ku daray hadalkiisa guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Gabagabadii, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Axmed Cali Xaashi   wuxuu sheegay gobolka Sanaag inay soo gaareen dad badan oo Soomaali ah, kuwaas oo  ka soo barakacay dhulka Oramada ee dalka Itoobiya, wuxuuna dowladda federaalka usoo jeediyay inay ka qayb-qaadato dib u dejinta dadkaas.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]