3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2018
Warbixin Xasaasi ah : Muxuu galabsaday oo loo dilay marxuum Axmed Dowlo

 

Khamiis, September. 20, 2018 (HOL) –Waa dhacdo naxdin leh oo dhinaca kale ku tuseysa heerka uu gaarsisan yahay arinka ku saabsan heyb sooca iyo in qofka lagu faquuqo Qabiilka uu ka soo jeedo Soomaalida dhaxdeeda.

Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax [Axmed Dowlo] ayaa nafiisa ku waayay arin la xiriirta jaceyl iyo guur dhaxmaray wiil uu adeer u ahaa iyo gabar aysan isku heyb aheyn oo ehelkeeda u arkeen in uusan geynin wiilka ay gaclootay ee uu guurku dhaxmaray.

Falkan oo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahan xaafadda Towfiiq ee degmada Yaashiid ayaa Axmed Dowlo waxaa weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa goobtiisa shaqo ee farsamada gadiidka koox rag iyo dumar isugu jiray oo sitay Baankado iyo Basiin kuwaa oo la sheegay in ay isku heyb ahaayeen Gabadha ay is jeclaadeen wiilka uu adeerka u ahaa marxuumka.

Waxaa ay ehelada marxuum-ku sheegeen in kooxda dilka geysatay ay ka koobnaayeen Shan ruux oo saddax ka mid ah haween ahaayeen, isaga oo naftiisa ku waayay arin la xiriirta ‘’Heyb Sooc Guur’’

‘Si kadis ah ayeey u soo weerarreen marxuumka, markii uu ogaaday in isaga loo socdo waxaa uu damcay in uu guriga ka galo uu albaabka ka soo xirto, laakiin intii uusan gaarin halkii uu gabaadka ka dhigan lahaa kooxdii ayaa ku bilaawday in ay Bankaado la dhacaan, ilaa  ay nafta ka qaadeen, iyaga oo markii danbe-na meydkiisa gumay ayuu yiri'' goobjooge ku sugnaa halka uu falka ka dhacay.

Ugaaska beesha uu ka soo jeedo marxuumka dhintay ayaa sheegay in arinta ku saabsan wiilka iyo gabadha is calmaday muddo dheer-ba soo jiitameysay, balse markii danbe Gabadha Adeeradeed ogolaadeen Guurka, hasse ahaatee waxaa arintaa ka biyo-diiday oo ka soo horjeestay Hooyada dhashay Gabadha oo la sheegay in ay isku heyb ahaayeen dadka dilay marxuumka Axmed Dowlo oo ahaa Aabe ka tagay 12 carruur ah iyo labo Xaas

Meydka marxuumka ayaa la dhiggay xarunta dambi bariste ee CID-da, sida ay sheegeen qaar ka tirsan eheladiisa oo dalbaday in ay cadaaladda hellaan.

Dilalka noocan ah ee laga argagixo ayaa waayadii ugu danbeeyay ahaa kuwo ku soo badanayay magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayeey aheyd markii deegaanka Sarkuusta ee dulleedka Muqdisho uu Nin ku dilay Xaaskisa oo u dhashay 7 Carruur ah, inkastoo markii danbe la sheegay in uu ahaa qof madaxa looga jiray ama waalnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/20/2018 1:03 PM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL) - Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxaa ay ku oggolaadeen in dawladda Soomaaliya ay qayb ka noqoto axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah kaas oo golaha ay u soo gudbisay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka.

9/20/2018 11:26 AM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL)-Shirkii golaha wasiiradda Somaliland ayaa laga soo saaray qodobo ku saabsan safarka uu madaxweynaha Maamulka Puntland ku yimid magaaladda Badhan iyo xeerar cusub oo golaha wasiiradu ansixiyeen.

9/20/2018 11:04 AM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL)- Munaasabad ay ka qeybgaleen maamulka degmada Beledweyne iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu daah –Furay xarun uu yeelanay Xisbiga Daldhis.

9/20/2018 9:31 AM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL)- Saacadihii ugu danbeeyay baraha bulshada ay kuwada xiriiraan waxaa siweyn u qabsaday muuqaalo ku saabsan weerar iyo bur burin ba’an oo ay dadka ku hayaan Tarmuuska Shaaha lagu shubto, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu ku dhax jiro kaniin la sheegay in laga qaadayo cudurka Kansarka.

9/20/2018 3:31 AM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa warbaahinta u soo bandhiggay sawirro iyo muuqaalo ka tarjumaya khasaaraha rayidka ka soo gaaray duqeyn diyaarado habeen hore ka geysteen degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe.

9/20/2018 3:22 AM EST
Khamiis , September, 20, 2018 (HOL) –Golaha wasiirrada Puntland ayaa markii ugu horreeysay ku shiraya magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

9/20/2018 3:14 AM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL)-Guddiga loo saaray diyaarinta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada guddoomiyaha.

9/20/2018 1:15 AM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL) - Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin sabab Soomaaliya ka hor istaagi karta in ay ciidamo ku biiriso howlgalka nabad ilaalinta Koonfurta Sudan, kaddib markii uu dhawaan Urur gobolleedka IGAD ka codsaday dowladda Soomaaliya ay ka mid tahay in ay ciidamo u diraan dalka South Sudan.

9/20/2018 12:57 AM EST
Mareykanka ayaa sheegaya in uu diyaar u yahay in si deg deg ah uu dib ugu billaabo wada xaajoodyada uu la lahaa dalka Kuuriyada Waqooyi.

9/20/2018 12:29 AM EST
Khamiis , September, 20, 2018 (HOL) –Ciidan ka wada tirsan dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa ku dagaallamay duleedka magaalada Cadaado, habeenkii Arbacada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha.