Shir looga hadlayay Siyaasadda Arrimaha Bulshadda oo Muqdisho kadhacay
Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda arrimaha bulshada kaasoo ay ka qeybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ,waddamada deeq bixiyaasha muslimka ah, hay’adaha gaarka loo leeyahay, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururrada Bulshada rayidka ah ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Waxaa kulanka soo qaban-qaabiyay wasaaradaha Shaqada iyo arrimaha bulshada, Gargaarka iyo Wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya, waxaana su’aallo la iska weydiinayey habka loo wajahayo sida dadka danyarta ah ee u nugul dhibaatoyinka looga samata bixin lahaa, looguna sameeyn lahaa maalgelin iyo shaqo abuur.
"Waxaan habboon in dadka dan yarta ah loo gargaaro loogana faa’iideysto inta lagu guda jira bisha Seko, islmarkaana muuhimad gaar ah ay tahay in la caawiyo dadka u nugul dhibaatooyinka." ayuu yiri ku-simaha safiirka dowladda Suudaan u fadhiya Muqdisho,Maxamned Yuusuf Ibraahim.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa xusay in Wasaaradda ay ka sheqeyso gargaarka iyo horumarinta dadka barkacayaasha ah, siyaasadda illaalinta bulshadana ay muhiim u tahay dadka barkacayaasha ah.
Gabgabadii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Soomaaliya,Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ay qeyb weyn ku leeyihiin dhaqaalaha soo gala dalka, waxaana lagu qiyaasayaa lacagaha ay usoo diraan eheladooda ku nool gudaha dalka ku dhawaad labo Milyan oo dollar iyo lacago kabadan.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]