4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
ONLF " Kama tanaasuleyno go’ida dalka Itoobiya"

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Dowladda Itoobiya ayaa heshiis la gaartay jabhadda ONLF ,heshiiska ayaa dhigaya in la sii wado wada-xaajoodka, laakin afhayeenka jabhadda wuxuu sheegay  iney jabhaddu marnaba ka tanaasuleyn mowqifkeedi ahaa iney gooni iisu taagto.

"Heshiis iyo is-afgarasha kasta oo dhacda iney ururka ONLF uu amarnaba ka tanaasuleyn hadafki aaya ka talinta ee ay ONLF muddo u soo halgameysay." ayuu yiri Cabdiqaadir Xasan Hirmooge ( Caddaani) afhayeenka jabhadda ONLF oo la hadlay BBC-da.

Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in ajandayaasha ay ka wadahadlayaan dowlada Itoobiya ay ka mid tahay aaya ka talinta. "Aaya ka talintu waa wax shacabku iska leeyahay waana xaq caalami ah oo qaanuuni ah, xeerarka Itoobiya iyo kuwa caalamigaba ay qorayaan waana xuquuq caalami ah oo ay qowmiyad kasta leedahay oo markay rabto ay adeegsan karto marka xaqa aaya ka talinta weligii aan laga tanaasuleyn." ayuu ku daray hadalkiisa ayuu yiri Hiirmooge.

Sidoo kale, afhayeenka jabhadda ONLF wuxuu sheegay iney maamulka cusub ee deegaanka Soomaalida  ay si wanaagsan isula jaanqaadayaan wadahadallada ay yeesheenna ay si weyn isugu fahmeen.

Jabhada ONLF oo dagaallo hubeysan kala soo horjeeday dowladda Itoobiya ayaa dhowaan ku dhowaaqday inay wada-hadalo la galayso xukuumadda uu madaxda ka yahay  Abiy Ahmed, markii laga saaray liiska madow.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]