4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Ururrada suxufiyiinta oo cambaareeyay wariye xalay lugu dilay magaalada Gaalkacyo

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Wariye Cabdirisaaq Saacid Cismaan (Waddani) ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar loo adeegsaday Toorey oo kooxo hubeysani ay xalay ugu geysteen magaalada Gaalkacyo.

Wariye Cabdirisaaq ayaa kooxaha hubeysani ay weerareen xilli uu kasoo baxay howlihiisa shaqo kuna sii jeeday hogyiisa, kooxaha dilka geystay ayaa horay usii qaatay agabkii shaqada ee uu watay sida Mobile iyo Laptop.

Cabdirisaaq Saciid Cismaan ayaa ka howlgalli jiray Idaacadda Codka Nabadda ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Agaasimaha idaacada Codka Nabada Axmed Caano-geel oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in marxuumka la dilay uu kamid ahaa weriyayaasha ugu firfircoon ee ka howlgali jiray idaacada Codka Nabada isla markaana uu caan ku ahaa barnaamijyada arimaha bulshada.

Booliska waxay sheegeen inay baaritanno ku hayaan dhacdada lagu dilay weriyaha isla markaasna ay gacanta ku hayaan dad ay ku tuhunsan yihiin, sida uu BBC-da u sheegay Axmed Maxamed Faarax oo ah taliyaha saldhigga magaalada Gaalkacyo.

Ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo ururka warbaahinta Puntland ayaa cambaareeyay dhacdada lagu dilay weriyaha, waxayna ka codsadeen Puntland inay ka shaqeeyaaan sidii caddaaladda loo horkeeni lahaa dambiilayaasha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]