4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Xukuumadda Somaliland oo gardaro ku tilmaamtay socdaalka Cabdiwali Gaas ku yimid Badhan

 

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) - Xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ayaa cambaareeyey socdaalka madaxweynahah Puntland ee SOomaaliya ku yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaanay ku tilmaameen gardaro iyo in dagaal kale ka bilaabmo deegaankaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici iyo labada gudoomiye ee xisbiyada UCID iyo WADANI ayaa si wada jir ah u cambaareeyey safarkaasi uu Cabdiwali Gaas ku tagay bariga Sanaag.

“Socdaalka madaxweynaha maamulka Puntland Cabdigali Gaas ku yimid Badhan waxaanu u aragnaa xadgudub qaran, iyadoo caalamku la socdo sababta dhaliyey dagaalka Tuko raq inay ahayd wasiiro fadaraalka Soomaaliya ah oo yimid Badhan, iyadoo tii hore aan la isla meel dhigin ayey gardaro kale sameeyeen oo ay doonayaan in meel kale ka furaan dagaal kale, anaguna jawaabkayaga ayaanu ka qaadanaynaa, waxaana u aragnaa inay doonayaaan inay carqaladeeyaan nabada iyo deganaashiyaha ka jira Somaliland”ayuu yidhi Saylici.

Sidoo kale, Gudoomiyaha xisbiiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa socdaalkaasi Cabdiwali Gaas ku tilmaamay daandaansi iyo in deegaanadaaasi dagaal kale ka qarxo.

Dhinaca kale, xukuumada iyo labada xisbi qaran ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyey ka wada hadlayeen sidii doorashooyinka golaha Deegaanka iyo Baarlamaanku u dhici lahaayeen wakhtigii loogu tallogalay, waxaana ay sheegeen in Toddobaadka soo socda ay xisbiyaddu la kulmi doonaan madaxweynaha sidii loogu heshiin lahaa waxyaalaha la isku hayo ee xisbiyada iyo xukuumaddu ku kala duwan yihiin loo dhamayn lahaa. 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.