4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Xisbiga UCID oo marti-qaaday Fannnaada Farxiyo Fiska


Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa casuumad Qaddo ah ku maamuusay fanaanadda caanka ah ee Farxiya Axmed Cadaawe(Farxiya Fiska) oo maalmo ka hor markii ugu horeysay Somaliland timid.

“Waa dhaqanka soomaalida in la maamuuso qofka wadanka soo siyaarta, farxiyana intaas in ka badan ayeey leedahay, dadkan reer somaliland waxa lagu yaqaanay marti soor, Farxiyana waxaan ka dhigaynaa safiirkayaga soomaaliya, dadkaana ka soo raadi oo waxaad tidhaahdaa yeynaan isku habsaamin aynu isbedelka geeska la soconee idinka u baahan in laydiin hiiliyo”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxaanu intaas ku daray “Soomaaliya ayaa maanta u baahan in loo hiiliyo sadex iyo labaatan kun oo ciidan ah ayaa jooga, shan madaxweyne ayaa jira, Gaalkacayo ayaa qaybsan oo sidii Baarlin ah anaga ayaana gacan siin lahayn, taas ayaanan doonnaynaa in kilalka shanaadna hagaajino oo laga dhigo meel soomaali leedahay, xuquuqdoodana ay ka helaan dalka Itoobiya.”

Fanaanada Caanka ah ee Fadxiyo Fisko ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay soo dhoweynta loo sameeyey, waxayna tidhi “Dadka halkan iskugu yimid Dhamaan fanaaniinta iyo abwaaniinta gaar ahaan Faysal Cali Waraabe waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, Somaliland meel kasta oo ay joogtana waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, ilaa hada farxada meel aan is geeyo ayaan la ahay, maalin walbana laba kiilo ayaa igu korodha, waanigaas naaxay oo farxadu waa qalbiga, waxaanan idin leeyahay waad mahadsan tihiin”

Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul(Laab Saalax) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Hadaad Faysal aragtaan waa somaliland oo lugaynaysa, hadaad faysal aragto waa shacabka oo lugaynaya, hadaad faysal aragto waa calanka oo lugaynaya markaa casuumad ka maqan Farxiya maba jirto, Hargeysana waa ka mudan tahay, intii ay Farxiya joogtayna waxaan shakhsiyan u arkay inay tahay qof bulshada qaybaheeda kala duwani haday sheekh tahay iyo haday siyaasi tahayba ay isku raacsan yihiin”

Fanaanada Fadxiyo fiska ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaaladda Hargeysa, waxaana hadda la qabanqaabinayaa bandhigyo waaweyn inay ku qabato Hargeysa, taas oo dadku aad u xiisaynayaan inay ka qaybgalaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.