4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2018
Xilal iska qaadistii mas’uuliyiinta Galmudug oo wali halkeedii ka sii socta

 

Talaado, September, 18, 2018 (HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali  Xareed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in xildhibaanno fadhi ku yeeshay degmada Cadaado ka qaadeen xilkii ku-xigeenka koowaad ee guddoonka baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Khamiistii todobaad hore xilkii laga qaaday ayaa degmada Cadaado ka sheegay in xildhibaanno gaaraya 30 xildhibaan u soo gudbiyeen mooshin ka dhan ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Xareed Cali Xareed, doodd dheer kaddib-na xildhibaannadu isku raaceen in cod la galiyo.

‘’Markii ay ka doodeen kaddib waxey codsadeen in cod la galiyo, cod ayaan galinay, xildhibaannada kulanka fadhiyay waxey ahaayeen 48 dhamaantood waxey u codeeyeen in kalsoonidii ay kala laabteen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ayuu yiri’’ Cali Gacal Casir.

Laakiin Xareed Cali Xareed ayaa ku tilmaamay hadalka Cali Gacal Casir mid aan sharciga waafaqsaneyn, isaga oo sheegay in uusan aheyn guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug maadaama ayuu yiri kol hore xildhibaannada Galmudug fadhi ay ku yeesheen Dhuusa-Mareeb kalsoonidii kala noqdeen.

‘’Cadaado xildhibaanno aan ka badneyn 11 ayaa ku sugan oo la ogyahay magac-yadooda iyo aqoonsiyadooda intaba, sidaa daraadeed waxaa meeshaa kaga cad in arintu fowdo iska tahay, Cali Gacal Casir –na sabab uu kulan u shir guddoomiyo ma jirto, sababtoo ah ma’aha guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo kol hore ayaa kalsoonidii lagala noqday ayuu yiri’’ Xareed.

Waxaa uu intaa ku daray in Dhuusa-Mareeb looga dhawaaqay guddi doorasho oo ka shaqeyn doona sidii loo heli lahaa guddoomiyihii badali lahaa Cali Gacal Casir.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhinac-yada iska soo horjeeda ee maamul gobolleedka Galmudug in ay joojiyaan mooshinnada iyo xil ka qaadista intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]