3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 18, 2018
Madaxweyne Biixi oo safar shaqo ugu anbobaxay gobolada Bariga Somaliland

Axad, November, 18, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa markii ugu horeysay sanad ka dib markii la doortay  safar shaqo ugu anbobaxay gobolada bariga, taas oo dadweynihii deegaanka uu marayey ku soo dhoweeyeen.

Wefdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Biixi waxa la socday xubno ay ka mid yihiin wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Horumarinta Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed, iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Xuseen Aadan Cadde, iyo siyaasiyiin kale oo ay kamid yihiin, Ambassador Cawil Cali Ducaale, Farxaan Aadan Haybe, xildhibaanno iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan.

Madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn waxa lagu soo dhoweeyey magaalooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, kuwaas oo caleemo qoyan ku soo dhoweyaneyey.

Maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo shacabweyne tiro badan oo ku dhaqan magaalada Berbera, ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga horyimi duleedka Galbeed ee magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu shacabka kula qaatay socod lug ah oo ay ku galeen magaaladda.

Afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame ayaa warbaahinta uga waramay ujeedadda madaxweynaha, waxaanu yidhi,“Wefdiga madaxweynaha iyo safarkiisu waxa uu daarran yahay inuu u kuurgalo xaaladaha kala duwan ee deegaannadan iyo gobolkan ka jira, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu dersayaa dedaalka horumarineed ee ay xukuumaddiisu guud ahaan deegaannada Somaliland, gaar ahaanna deegaankan aynnu saaka joogno, waxa uu sidoo kale dardargelin doonaa hawlihii horumarineed ee halkan ka socday.”

Af-hayeenku waxa uu maamulka gobolka Saaxil iyo guud ahaanba shacabka ku dhaqan gobolka iyo deegaannada hoos yimaadda uga mahadceliyey sida ay usoo dhoweeyeen.

Madaxweynuhu inta uu gobolada bariga marayo ayaa la filayaa inuu mashaariic uu ka hirgaliyey intii uu xukunka hayey xadhiga ka jaro iyo inuu mashaariic laga hirgalin doonana dhagax dhigo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland. 













Click here
11/18/2018 1:24 PM EST
Axad, November, 18, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa, kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamada gaar gaarka ee Madaxda Afrika ay yeelanayaan, kaddib shir madaxeedka Midowga Afrika.

11/18/2018 8:09 AM EST
Axad, November, 18, 2018 (HOL) -Wararka ka imanaya deegaanka Weydoow ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax halkaa ka dhacay uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale.

11/18/2018 5:49 AM EST
Axad, November, 18, 2018 (HOL) -Iyadoo wali la hadal hayo islamarkaana dood weyn uu ka taagan yahay kiiska dilkii wariye Jamaal Khashoggi oo bishii hore lagu dhaxdilay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul dalka Turkiga ayaa markii ugu horeysay arintan waxaa dareenkooda ka muujiyay wariye-yaal Soomaaliyeed.

11/18/2018 3:59 AM EST
Axad, November, 18, 2018 (HOL) -Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee The Hague, kaddib markii lagu soo eedeeyay dacwado ka dhan ah bani’aadanimada.

11/18/2018 3:49 AM EST
Axad, November, 18, 2018 (HOL)-Shir looga hadlayo Ganacsiga Soomaaliya iyo Horumarada dhaqaale ee dalka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi ka qeyb galaya ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

11/18/2018 1:16 AM EST
Axad, November, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay booqday xerooyin dhowr ah oo ay ku xareysan-yihiin ciidamo kala duwan oo tababar uu socdo

11/18/2018 12:27 AM EST
Axad November, 18, 2018 (HOL) – War ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ee maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa lagu beeniyay warbixintii CIA da Mareykanka ee la xiriirtay dilkii Wariyihiin u dhashay dalka Boqortooyada Saudi Arabia ee Jamaal Khashoggi.