3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 18, 2018
Ra'iisal wasaare Kheyre oo Muqdisho ka furay shir caalami ah oo looga hadlayo Ganacsiga

 

Axad, November, 18, 2018 (HOL)-Shir looga hadlayo Ganacsiga Soomaaliya iyo Horumarada dhaqaale ee dalka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi ka qeyb galaya ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Shirkadaha Ganacsiga Caalamiga ah, kuwa Maxaliga ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed  Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlay shirka Ganacsiga looga hadlaayo ee  ka furmay magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyay dowladda Turkiga iyo sidoo  kale wadamada reer galbeedka ee Soomaaliya ka taageera dhanka  dhaqaalaha.

Waxaa uu bilaawga shirka ka sheegay Wasiir Maareeye in la joogo  xiligii Soomaaliya la maalgashan lahaa isagoo shirkadaha caalamiga ah  ugu baaqay in ay kusoo dhiiradaan maalgashiga Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

 

 

 

 

 

 













Click here
11/18/2018 1:24 PM EST
Axad, November, 18, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa, kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamada gaar gaarka ee Madaxda Afrika ay yeelanayaan, kaddib shir madaxeedka Midowga Afrika.

11/18/2018 8:09 AM EST
Axad, November, 18, 2018 (HOL) -Wararka ka imanaya deegaanka Weydoow ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax halkaa ka dhacay uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale.

11/18/2018 6:30 AM EST
Axad, November, 18, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa markii ugu horeysay sanad ka dib markii la doortay safar shaqo ugu anbobaxay gobolada bariga, taas oo dadweynihii deegaanka uu marayey ku soo dhoweeyeen.

11/18/2018 5:49 AM EST
Axad, November, 18, 2018 (HOL) -Iyadoo wali la hadal hayo islamarkaana dood weyn uu ka taagan yahay kiiska dilkii wariye Jamaal Khashoggi oo bishii hore lagu dhaxdilay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul dalka Turkiga ayaa markii ugu horeysay arintan waxaa dareenkooda ka muujiyay wariye-yaal Soomaaliyeed.

11/18/2018 3:59 AM EST
Axad, November, 18, 2018 (HOL) -Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee The Hague, kaddib markii lagu soo eedeeyay dacwado ka dhan ah bani’aadanimada.

11/18/2018 1:16 AM EST
Axad, November, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay booqday xerooyin dhowr ah oo ay ku xareysan-yihiin ciidamo kala duwan oo tababar uu socdo

11/18/2018 12:27 AM EST
Axad November, 18, 2018 (HOL) – War ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ee maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa lagu beeniyay warbixintii CIA da Mareykanka ee la xiriirtay dilkii Wariyihiin u dhashay dalka Boqortooyada Saudi Arabia ee Jamaal Khashoggi.