4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2018
Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay markii ugu horeysay baaritaanka dilkii Jamaal Khashoggi

 

Sabti, November, 17, 2018 (HOL) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweyay baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda Sacuudiga,kaasi oo ku aadan arrinta wariyihii lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku leedahay dalka Turkiga ee Jamal Khashoggi.

Qoraalka ka soo baxday dowladda ayaa dhignaa sidan :

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay soo dhoweyneysaa baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaas oo lagu xog-wareystay dadka u xirxiran dilka muwaadinka Sucuudiga Jamal Khashoggi.

Soomaaliya waxaa ay u aragtaa tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan si daaha looga qaado xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan xaaladaha kiiska.

 

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]