3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo gudaha xarunta Xalane warqadaha aqoonsiga uga guddoomay safiirka Mareykanka

 


Sabti, November, 17, 2018 (HOL) -Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay xarunta Xalane oo ku taal xeyndaabka  sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaja Muqdisho, halkaasoo wada  hadalo kula qaatay Amb Donald Yamamoto. 

Danjiraha cusub Yamamoto ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo  sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto  dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahad  celiyey,  isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda  Soomaaliya ay la shaqayn doonto.

Hadii ay Mareykanku Soomaaliya Safaarad ku yeeshaan waxa ay sii xoojineysaa xiriirka labada dal waa Mareykanka iyo Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 













Click here
11/17/2018 10:47 AM EST
Sabti, November, 17, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u magacaabay duqa degmada Gaalkacyo, Yaasiin Cabdisemed Cumar oo xilka u sii heyn doona si kumeelgaar ah, halka ku-xigeenka duqa degmada Gaalkacyo loo magacaabay, Cabdinaasir Cigaal Xirsi oo si la mid ah xilka u heyn doona si kumeelgaar ah.

11/17/2018 10:27 AM EST
Sabti, November, 17, 2018 (HOL) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweyay baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda Sacuudiga,kaasi oo ku aadan arrinta wariyihii lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku leedahay dalka Turkiga ee Jamal Khashoggi.

11/17/2018 10:12 AM EST
Sabti, November, 17, 2018 (HOL) - Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho,iyadoo uu shir guddoominaayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad , Cabdiweli Sheekh Ibraahim (Muudeey) waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan.

11/17/2018 10:10 AM EST
Sabti, November, 17, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la kulmey Madaxweyne ku-xigeenka dalka Turkiga Fuat Oktay.

11/17/2018 9:48 AM EST
Sabti, November, 17, 2018 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019 ,Mudane Maxamed Cismaan CaliMaad ayaa maanta lagu soo dhaweeyey xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo. Musharaxa ayaa ka soo kicitimey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

11/17/2018 7:16 AM EST
Sabti, November, 17, 2018 (HOL)-Dirawaliintii Gaadiidka yaryar ee looyaqaan VITZ ayaa isku soo bax ka dhigay magaalada Hargeysa ka dib markii lagu soo rogay amar ah in aanay gobolada u kala bixi Karin, isla markaana rakaab qaadi Karin.

11/17/2018 7:11 AM EST
Sabti, November, 17, 2017 (HOL)-Wefti madax-dhaqameed oo uu hogaaminayo Boqor Burhaan ayaa soo gaadhey magaalada Laascaanood xurunta gobolka Sool, si ay qayb uga noqdaan hawlaha xasilinta amniga koonfurta G. Sool.

11/17/2018 5:26 AM EST
Sabti, November, 17, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed islamarkaana ah ku-simaha madaxweynaha C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa ku dhawaaqay guddi doorasho oo ku kooban 15 xubnood.

11/17/2018 4:03 AM EST
Sabti, November, 17, 2018 (HOL)-Hogaamiyeyaasha wadamada Qaaradda Afrika ayaa shir muhiim ah uga furmaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaana Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.

11/17/2018 1:51 AM EST
Sabti, November, 17, 2018 (HOL) – Maanta ayaa lagu wadaa in la shaaciyo guddi cusub oo qaabilsan doorashada Madaxweynaha Koofur galbeed, kaddib markii Guddigii hore ay is casileen.

11/17/2018 12:31 AM EST
Sabti, November, 17, 2018 (HOL) – Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay looga digay in marnaba wax is hortaag ah ku sameyn xoogagga ku abtirsada Daacish ee howlgalada ka wada gudaha dalka Soomaaliya.

11/17/2018 12:12 AM EST
Sabti, November, 17, 2018 (HOL) – Hay’adda Sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA da ayaa sheegtay in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu ka danbeeyay dilkii Wariye Jamaal Khashoggi oo 2dii bishii October ee sanadkan lagu dhax dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay dalka Turkiga magaalada Istanbul.