4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 17, 2018
Gaadiidka yaryar ee Takaasida ah oo mudaharaad ka dhigay Hargeysa

 

Sabti, November, 17, 2018 (HOL)-Dirawaliintii Gaadiidka yaryar ee looyaqaan VITZ  ayaa isku soo bax ka dhigay magaalada Hargeysa ka dib markii  lagu soo rogay amar ah in aanay gobolada u kala bixi Karin, isla markaana rakaab qaadi Karin. 

Wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta Jidad Somaliland ayaa sheegtay in shilalka ugu badan ay sameeyeen gaadiidka yaryar, kuwaas oo la saaro dad ka badan intii loogu tallogalay, waxaanay gabi ahaanba joojiyeen inay u kala baxaan gobolada.

Gaadiidkan yaryar ayaa ka hor yimid amarkaasi lagu soo rogay in aanay gobolada u kala bixi Karin, waxaanay dhigeen mudaharaad ay kaga cabanayaan amarka wasaarada Gaadiidka, haseyeeshee ciidanka amniga ayaa gaadiidkii isku soo baxay iyo darawaladiiba xabsiga u taxaabay.

“wareegtadadan wasiirku ku dhawaaqay maaha mid anaga noo cuntamaysa, anigu waxaan deganahay abaarso kaligay baa kaantaroolka la iga soo caliyey anigoo xaafadaydii Abaarso tagaya, kumaa yeelaya xaaskiisa oo xanuunsanaya oo duleedka Hargeysa taallo in loo diido inuu soo qaadi waayo”ayuu yidhi mid ka mid ah darawalada gaadiidkan yaryar.

“Madaxweyne waxaanu kugu codaynay inaad shaqo abuur samayso ee maaha in shaqadii aanu haysanay la naga joojiyo, xiyiraadan uu wasiirku nagu sameeyey shaqo abuurkii aad ku ololaysay ka hor imanaya, illaa sodan kun oo qoys ayaa ku dhaqaale waayey amarkan wasiirku soo rogay, qofka miyiga ku xanuunsada anaga soo qaadna, gaadhiga yar ee shidaalka yar ayey dadku kireystaan, wasiirku wuxuu amray in aan kaantaroolka Hargeysa laga bixin”ayuu yidhi Maxamed Siciid oo ka mid ah dhallinyarada ku shaqaysta takaasida gaadiidkan yaryar.

Sidoo kale, waxa kale oo ay maanta qaarkood ka cabanayeen in loo diiday inay maraan jidka madaxtooyada hor marta, waxaanay ku eedeyeen in gaadiidkooda yaryar si gaar ah loo eeganayo, waxaanay ku baaqeen in aan la takoorin gaadiidkooda yaryar ee shaqadooda ay shacabka u hayeen loo fasaxo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.