4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2018
Ra'iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeybgalaya shir madaxeedka Africa

 

Sabti, November, 17, 2018 (HOL)-Hogaamiyeyaasha wadamada Qaaradda Afrika ayaa shir muhiim ah uga furmaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaana Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda  Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray dalka Itoobiya  ayaa Soomaaliya ku matalaya shirka madaxda Afrika ay ku leeyihiin  halkaas.

Ajandayaasha diiradda lagu saarayo shirkani waxaa kamid ah isbedel  iyo dib u habayn lagu sameeyo Ururka, si loo horumariyo howlaha  horyaala, sidoo kalena waxaa laga hadlaya arrimaah amniga, siyaasadda  iyo dhaqalaha Ururka Midowga Africa.

Dalka Masar ayaa la filayaa in dhawaam uu qabto hoggaanka Ururka,  waxaana haatan haaya madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame, kaasi oo gadaal  ka riixaya isbedelo in la sameeyo.

Madaxweynayaasha wadamada Afrika qaarkood ayaa imaanaya, halka kuwa kalena ay soo dirsanayaan wasiiradood arrimaha dibadda.

Wadamada madaxweynayaashooda imaanaya waxaa kamid ah South Africa, Zimbabwe, Botswana, Comoros, Togo and Ghana iyo kuwo kale,halka Nigeria iyo Mozambique ay kamid yihiin wadamada Wasiiradooda arriamaha dibadda u matali doona shirkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]