4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2018
Guddiga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta lagu dhawaaqayo

 

Sabti, November, 17, 2018 (HOL) – Maanta ayaa lagu wadaa in la shaaciyo guddi cusub oo qaabilsan doorashada Madaxweynaha Koofur galbeed, kaddib markii Guddigii hore ay is casileen.

C/qaadir Shariif Sheekhuna ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa la filayaa in uu magacaabo Guddiga doorashada Madaxweynaha, si ay u diyaariyaan howlaha doorashada.

Kulan uu isugu imaan doono Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in lagu horgeeyo xubnaha Guddiga cusub ee doorashada madaxweynaha, laguna ansixiyo.

Guddigan ayaa la filayaa in 10 maalin gudahood ku diyaariyo howlaha doorashada, waxaana uu soo bandhigi doonaa shuruudo cusub oo laga doonayo Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa 10 maalin dib loo dhigay, waxaa la filayaa in ay dhacdo 27-ka bishan November.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]