4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2018
Ururka Daacish oo u digay Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya

 

Sabti, November, 17, 2018 (HOL) – Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay looga digay in marnaba wax is hortaag ah ku sameyn xoogagga ku abtirsada Daacish ee howlgalada ka wada gudaha dalka Soomaaliya.

Wargeyska Todobaadlaha ah ee ku hadla afka Daacishta ka dagaalanta Syria oo lagu magacaabo Al-Naba ayaa waxaa lagu soo daabacay in hogaamiyayaasha sar sare ee Daacish ay Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya kaga digayaan in wax is hor istaag ah aysan ku sameyn howlagalada ay Soomaaliya ka wadaan Daacish.

Afayaeen u hadley Daacish oo ay soo xigteen wargeyskaasi ayaa waxa uu sheegay in ay fahansanyihiiin in Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya aysan ku faraxsaneyn dhaq dhaqaaqyada ay Daacish ka wadaan Soomaaliya balse ay qaadi doonaan tilaabo waliba oo ay isaga difaacayaan dagaal ay ku soo qaadaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in Shabaab ay weeeraro ay ku qaarijiyeen Saraakiil sar sare oo Sooomaaliya wakiil ugu ahaa Hogaamiyaha Daacish Abu Bakar Al Baqdaadi ay ksuoo qaadeen balse sida uu sheegay iminka la joogo xiligii ay Daacish ka aargudsan laheyd.

Maalmihii ugu danbeeyay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay iska horimaadyo dhaxmaray gudaha xoogagga Al-shabaab oo qaarkood lagu eedeeyay in ay xiriir dhaw la leeyihiin Ururka Daacish oo hadda u muuqda mid dhaqdhaqaaqiisu ku soo xoogeysanayo gudaha dalka Soomaaliya.

Ururka Daacish ayaa sidoo kale marar badan oo hore sheegtay in ay iyagu ka danbeeyaan dilal ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ka mid ah.

Wax ay u muuqataa in Urur diimeedyada dagaalama ee geeska Afrika ay iyagu is qoomayaan taasi ayaana Dowladda dhexe ee Soomaalia u ah fursad balaaran oo ay ku kala dhantaali karto mar hadii iyagu dhexdooda uu dagaallo ka bilaawday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]