Shir Urur gobolleedka IGAD maanta uga furmaya magaalada Addis Ababa
Jimco, November, 16, 2018 (HOL) – Wasiirro arrimo
dibaddeedka ku jiray Urur gobolleedka IGAD ayaa lagu wadaa in maanta uu shir uga furmo magaalada Addis Ababa
ee dalka Itoobiya, iyadoo kulanka looga wada hadli doono heshiiska dowladda iyo
Mucaaradka Koonfur Sudan iyo xaalada Soomaaliya.
"Shirka waxaa looga wada hadlayaa Qorshaha Heshiiska Dib-u-heshiisiinta ee
Heshiiska Khilaafka Koonfurta Sudan iyo horumarka Soomaaliya," ayaa lagu
yiri war ka soo baxay IGAD shalay.
Gaar ahaan Wasiirrada ayaa ka
wada hadli doono qorshaha amniga magaalada Jubba ka hor inta uusan halkaa ku
laaban hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas Mr Machar oo dalka isaga cararay
bilowgii bishii July sanadkii 2016ka.
Soomaaliya waxaa shirkan ku
matalaya Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda Axmed Cawad Ciise oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee
dalka Itoobiya.
Wadamada Geeska Afrika ayaa hada waxaa ka
soconaya horumar weyn, kaasi oo ku aadan in heshiisyo dhowr ah ay kala
Saxiixdeen dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]