4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Kulanka Golaha wasiirrada Soomaaliya Oo Looga Hadlay Tirakoobka Shaqaalaha Iyo Qorshaha Dayn Cafinta


Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-  Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa shir ay maanta ku yeesheen Muqdisho uga hadlay tirakoobsha shaqaalaha dawladda, xubinnimada Soomaaliya ee suuqa ganacsiga Bariga iyo Koofurta Afrika iyo qorshaha geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulanka maanta oo sidoo kale warbixin looga dhagaysatay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa intii kulanku uu socday u sheegay wasiirrada in muhiim ay tahay in wasaarad waliba shaqadii loo xil saaray ay dardar geliso si loogu guulaysto qorshaha qaran.

Iman Mohamed Jama , Hiiraan Online
[email protected]