4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo baaraya weerarkii Hotel Saxafi iyo Tuutihii ay wateen dableydii weerartay

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-  Guddi baaritaan ku sameeya qaraxyadii jimcihii la soo dhaafay lagu weerarray Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa maanta la magacaabay, kaddib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiga Difaaca Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddiga Difaaca uuna ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga, Xuseen Carab Ciise ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu geystay waxyeelo kala duwan oo isugu jiray, dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Guddiga Difaaca, waxa uu xaqiijiyay in la isticmaalay dareyskii cusbaa ee ciidammada xoogga dalka oo ay wateen dableydii hubeysneyd ee ka tirsaneyd al-Shabaab.

Baaritaanka guddiga ayaa billaabanaya ,kaddib markii shir jaraa'id oo u maanta qabtay xildhibaan  Axmed Macalin Fiqi uu ku sheegay weerarka inuu ahaa shirqool la rabay in lagu dilo Xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan dowladda oo deggenaa Hotelka.

Guddiga xaqiiqo raadinta ah ayaa kala ah;

Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal (Ghelle)  Guddoomiye
Xildhibaan Liibaan Cismaan Cabdiraxmaan     Xubin
Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud Xayd  Xubin
Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore                  Xubin
Xildhibaan Cali Maxamed Cumar                  Xubin


Iman Mohamed Jama , Hiiraan Online
[email protected]