4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Dilal galabta ka dhacay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-  Labo qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay caasimadda Muqdisho galinkii dambe ee Khamiista maanta, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Dablay hubeysan ayaa toogasho ku dilay nin dhallinyaro ah oo magaciisa lagu soo koobay Garaad Yaasiin, waxa uu dilka ka dhacay degmada Hodan  gaar ahaanna agagarka daarta Seybiyaano ,iyadoo markiiba ay baxsadeen kooxda dilka geysatay.

Xaafadda suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa , ayuu dilka labaad ka dhacay,waxaa ay goobjoogayaal sheegeen koox hubaysan inay toogasho ku dileen marxuun Maxamed Xasan Raagge oo ka mid ahaa ganacsatada suuqa Xoolaha,kooxdii dilka geysatay ayaa iyaguna goobta ka baxsaday.

Waxaan la ogeyn sababta ka dambeysa dilalka ka dhacay galinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho, mana jirto warbixin ka soo baxday hay'adaha ammaanka oo looga hadlay,iyadoo inta badan dilalka noocan ah ay ku soo laablaabtan caasimadda Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]