4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Xildhibaan sheegay weerarkii hotel Saxafi inuu ahaa shirqool la rabay in lagu dilo

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-  Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shir jaraa'id oo u Muqdisho ku qabtay, waxa uu sheegay in weerarkii Jimcihii toddobaadkii hore  lagu qaadday Hotel Saxafi inuu ahaa shirqool la rabay in lagu dilo Xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan dowladda oo deggenaa Hotelka.

"Shirqool la rabay in nagula dilo ayuu ahaa, oo dharkana iyo qoryaha dowladda ay yihiin qofka dhexda ku jira nagula sheegay inuu Shabaab yahay, marka  weerar labo dhinac ah ayaa nagu dhacay haddaan nahay dadkii halkaas degenaa oo xildhibaanada ahaa iyo dadkii kaleba." ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Waxa uu sheegay in xukuumadda iyo hay’adaheeda amniga ay ka sugayeen inay war ka soo saaraan weerarkaas xajmiga leh, balse nasiib darro aanay taas dhicin sida uu hadalka u dhigay, waxa uu inta ku daray in baaritaan ay ku soo ogaadeen in kooxdii weerarka fulisay ee al-Shabaab ka tirsaneyd ay wateen dharkii ugu dambeeyay ciidanka, iyo hubkii ugu dambeeyay ee dowladda soo gaaray oo ka yimid Jabuuti.

Weerarka hotel Suxufi ee jimcihii la soo dhaafay oo loo adeegsaday qaraxyo is xig xigay ayaa waxaa ku dhintay 50 ruux , halka boqol kalena ku dhaawacmeen,iyadoo weerarka lagu tilmaamay weerarkii ugu khasaaraha badnaa, kaddib qaraxii Isgoyska Zoobe sanad ka hor.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]