3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2018
Xasaaska iyo Carruurta Al-shabaab oo laga saarayo Beled-Xaawo

 

Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Mas’uuliyiinta maamulka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay sheegay in laga saarayo degmada Xasaaska iyo Carruurta Al-shabaab.

Maxamuud Xayd Cismaan guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo ayaa sheegay in sababta ay arintan u sameynayaan tahay sugida amniga degmada.

Laakiin dhinaca kale waxaa ay warar sheegayaan in uu jireen hanjabaado ka imanaya dhinaca Al-shabaab oo sheegay in haddii tallaabadaa uu qaado maamulka iyagu-na taa badalkeeda sameyn doonaan aar-goosi la xiriira masaafurinta qoysaskooda.

Al-shabaab ayaa la sheegayaa in deegaannada ay dowladdu maamusho u degan yihiin Xaasas iyo Carruur, dhowr jeer oo hore-na sidan oo kale looga mamnuucay qoysaska Al-shabaab degmooyinka iyo deegaannada ay dowladdu maamusho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/14/2018 12:34 PM EST
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Shirkad ay militariga Itoobiya maamulaan oo lagu magacaabo Metec ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahayd ganacsiga sharci darrada ee hubka, sida lagu sheegay barnaamij uu tebiyay telefishinka dowladda ee ETV.

11/14/2018 12:22 PM EST
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, waxaa kulanka shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka mudane Cabdiweli Sheekh Ibrahim (Muudeey).

11/14/2018 12:06 PM EST
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

11/14/2018 11:51 AM EST
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Cayaartan oo aheyd mid siweyn isha loogu wada hayay islamarkaana dhaxmartay xulalka Kubadda Cagta Itoobiya iyo Soomaaliya ee 23 sano jirka ayaa ugu danbeyntii ku soo dhamaatay 4-0 oo ay guusha ku raacday xulka Kubadda Cagta Itoobiya.

11/14/2018 11:25 AM EST
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya,Cabdullaahi Goodax Barre iyo madaxa hay’adda DFID ee Soomaaliya, Phil Evans ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday shan milyan oo dollar oo lagu tageerayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashada, gabdhaha.

11/14/2018 5:57 AM EST
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay dib u eegista Miisaaniyadda Dalka ee 2018ka oo ay Qaraar u soo badaleen Guddiga Maaliyadda BFS.

11/14/2018 4:45 AM EST
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Taliska NISA ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada Amniga dowladda ku soo qabteen xubin ka tirsan kooxda Daacish magaalada Muqdisho.

11/14/2018 2:17 AM EST
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL) – Labo askari oo ka tirsan ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa u geeryooday toogasho ka dhacday magaalada Boosaaso oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee ciidanka badda Puntland.

11/14/2018 2:09 AM EST
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL) – Beryahan waxaa aad loo hadal hayey isu soo dhawaanshaha madaxda gobolka geeska Afrika, iyo suurtogalnimada in hal hogaan ay yeeshaan mustaqbalka dalalka gobolka.

11/14/2018 2:03 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland, G/sare Cawil Axmed Faarax ayaa markii ugu horreeysay faahfaahiyay xukun dil ah oo Isniintii toddobaadkan maxkamadda ay ku riday Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel) oo ku eedeysnaa inuu ka tirsanyahay ururka al-Shabaab.

11/14/2018 1:16 AM EST
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL) – Tabbabarihii hore ee xulka qaranka Soomaaliya ee kubadda Kolayga macallin Cabdi Maxamed Cige oo ku magac dheeraa Cabdi Dheere ayaa ku geeryooday magaalada Toronto ee dalka Canada.

11/14/2018 1:07 AM EST
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Kumannaan ka mid ah shaqaalaha dabdamiska Mareykanka ayaa la tacaalaya dab xoog leh oo ka ololaya qeybo ka mid ah koofurta iyo waqooyiga gobolka California.

11/14/2018 12:58 AM EST
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaan in kulankooda maanta u codeeyaan ku noqoshada miisaaniyadda 2018 taas oo xubnaha Golaha Shacabka ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.

11/14/2018 12:38 AM EST
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ku dhawaad 300 oo gaadiid xamuul oo raran ku xayiran yihiin halkaa, kaddib markii ay ciidamada dowladdu bilaabeen in ay gaadiidka ka qaadaan lacago aan sharci aheyn.