Hiiraan Online
4/25/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2018
Tabbabarihii hore ee xulka qaranka Soomaaliya ee kubadda Kolayga AUN Cabdi Dheere oo ku geeryooday dalka Canada
AUN, marxuun tabbabare Cabdi Maxamed Cige (Cabdi Dheere)
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL) – Tabbabarihii hore ee xulka qaranka Soomaaliya ee kubadda Kolayga macallin Cabdi Maxamed Cige oo ku magac dheeraa Cabdi Dheere ayaa galinkii dambe ee shalay ku geeriyooday magaalada Toronto ee dalka Canada.
Tabbabare Cabdi Dheere ayaa wuxuu ka mid ahaa cayaartooydii kooxda Jeenyo ee dhowr jeer qaaday horyaalka kubadda kolayga sannadihii 80 tamaadka, wuxuuna ka mid noqday tabbabarayaashii kubadda kuleyga ee qaranka Soomaaliyeed.
Intii uu ahaa tabbabaraha qaranka, macallin Cabdi Dheere waxaa kooxda qaranka ee kubadda kolayga u suura-gashay in ay guulu ka soo hooyaan qaaradda Afrika iyo waliba jaamacadda carabta.
Kooxda Kubadda Koleyga ee Jeenyo
Allaha u naxaristo tabbabare,Cabdi Dheere ayaa in muddo ahba ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla magaalada Toronto, waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Toronto oo uu in muddo ah degganaa.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]