4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2018
Faah faahin ku saabsan dagaal ka dhacay Mooyaale

 

Talaado, November, 13, 2018 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo deegaanka Mooyaale oo ku dhaca xadka kala qeybiya Kenya iyo Itoobiya ku dhaxmaraya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Inta la xaqiijinayo ilaa 10 ruux oo labada ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen dagaalka ugu yaraan 15 kalana ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa soconaya maalintii labaad ilaa iyo hadda ma jirto cid la sheegay in ay kala dhaxgashay labada dhinac ee dagaalamaya, waxaana sidoo kale dagaalkan la sheegay in lagu gubay guryo ay lahaayeen dad rayid ah.

Magaalada Mooyaale ayaa mar walba waxaa ka dhaca dagaalo sokeeye iyadoo ay ku dagaalamaan Soomaalida iyo Oromada oo ku wada nool degmadaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]