4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2018
Shaqaale ka tirsanaa shirkadda Hormuud oo Muqdisho lagu dilay

 

Talaado, November, 13, 2018 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar lagu qaaday shaqaale ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kaddib markii koox hubeysan weerar ku qaadeen xili shaqaalaha ay ku soo jeedeen masjid ku yaala degmada Isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howl-wadaag.

Goobjogayaal ayaa sheegay weerarkan uu ku dhintay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda halka mid kalana uu soo gaaray dhawac.

Qof ka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Daahir Nuur Karaane halka midka la dhaawacay isna magaciisa lagu soo gaabiyay Gurey, waxaana uu ahaa mid k amid ah ilaaladda Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta shirkadda oo ku saabsan weerarka lagu qaaday shaqaalahooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]